29/03/2024
Ka hor-tagaa, Daaweynta xanuunka Cholera ( shuban biyoodka).
Shuban biyoodku waa Xaalad, ay keento bacteria-da loo yaqaanno ( Vibrio cholerae), taas bukaanku leeyahay ama uu la imaanayo, Shuban biyo ah oo isku xigxigaa, matag ama hungaaco badan, jidh xanuun, awood daro, fuuq bax bukaanka Ka muuqdaa jidhkiisa.
Maxaa ugu h**eeya oo la qaban karaa marka xaaladani timaado ama la arko?
1. Ka hortagaa, lagaga taxadaraayo fuuq baxaa, kuu dhacaaya bukaanka, iyadda oo loo kala saaraayo, saddexdii qaybood ee fuuq baxaa.
2. daaweey iyo dabiib.
Maxaa wasaaradda Horumarinta Caafimaadka la gudboon, iyo laamaha ay wadda shaqaynta leeyihiin, heer Qarran, heer gobol, heer degmo, heer tuulo?
1. Wacyi-geli balaadhan in la sameeyo.
2. Diyaar-garow naf hurnimo ah in la sameeyo.
3. Dalbasho talaalka cholera, iyanna la sameeyo.
Qof kasta waxaa saaran masuuliyad qofeed iyo mid qoys, Ka bilow Wacyi-gelinta qoyskaaga, meel dhow aynnu Ka eegno maalin walba khudaarta ay Isticmaalo waxaa ay inteeda badan innagga soo gashaa itoobiya oo la xaqiijiyeey in uu xanuunku Ka jiroo, dalkeenna Ka mid ah, iyo weliba goboladda iyo degmooyinka aynnu xadka la leenahay, sida ay sheegeen haay'ayaha Caafimaadka adduunku, in ay jiraan Xaalado la il daran xanuunka, iyo dhimashaba..
Kuu bararaagusanow halista xanuunka Shuban biyoodka ee innaggu soo siqaaya..
Allaa Mahad leh.
Dr. Jama Raan