Ahmed Abdikadir official.

Ahmed Abdikadir official. People

25/05/2023
04/12/2021

Asc Asxabta

26/05/2021

Alle ha u naxariisto Sooraan Ismaaciil Sugulle, wuxuu ahaa Abwaan, Jilaa iyo Fannaan, aad uga dhex muuqday Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo uu waxbadan kusoo kordhiyay.

Waxaan geerida Abwaan Sooraan uga tacsiyeynaya, Eheladiisii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday, bahda fanka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed.

30/04/2021

Asc

07/04/2021

XOGIHII U DAMBEEYAY EE XIISADA ITOOBIYA, SUDAN IYO MASAR.

1) Waxaa fashil kusoo dhamaaday wada haddaladii saddex geesodka ee dalalka Itoobiya, Sudan & Masar u socday.

2) Diyaaradaha dagaalka ee dalalka Sudan iyo Masar dhoolatus wadda jira ku sameeyay hawada saree Nile-ka, waxaana lasoo bandhigay muuqalo ay dul hee'haabayaan wabigan muranka baddan ka taagan yahay.Labbadan dal ayaa iskaashi milatari oo xoogan horay usameeyay.

3)Itoobiya ayaa war saxafadeed soo saartay kaddib wadda haddaladii saddex geesodka ee fashilmay. Itoobiya waxay sheegtay innaysan jirin awood kahor istaagi karta innay buuxiyaa wajiga labbaad ee biyo xidheenka Abay, Itoobiya waxay sharci darro ku tilmaantay doodaha Sudan & Masar ee odhanaya waa in la heshiiyaa intaan biyo xidheenka la buuxinin. Madaxwaynaha Masarna wuxuu horay uga digay in la bilaabo buuxinta wajiga labbaad, isagoo sheegay innuu bilaaban doono dagaal gobalka saameya, haddii talabadaas lagu kaco.

4)Sudan ayaa Qaramada middoobay usoo jeedisay in ciiddamada Itoobiya laga saaro dalkeeda.Wasaarada arrimaha dibada Sudan ayaa sheegtay innaan lagu kalsoonaan karin afarta kunee(4000) dalkaas nabbad ilaalinta ugu sugan, loona baahan yahay innay degdega uga baxaan. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili wadda haddaladii saddex geesodku fashilmeen.

Iskusoo duubo xiisada biyaha ee dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya ayaa halkii u xumayd maraysa, waxaana laga cabsi qabaa dagaal ka dhex qarxa.

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)
VOSS TV

14/02/2021
05/02/2021

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qeeyba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Address

Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Abdikadir official. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share