Xafiiska waxbarashada Degmada Gursum

Call Directions

Xafiiska waxbarashada Degmada Gursum Xafiiska waxbarashada Degmada Gursum

Shirwaynaha Abaabulka Waxbarashada Degmada Gursum S.D 2019.Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loosoo Xeraynlahaa Ardayda...
19/09/2026

Shirwaynaha Abaabulka Waxbarashada Degmada Gursum S.D 2019.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loosoo Xeraynlahaa Ardayda Da'dugsiyeedka Gaadhay iyo Ardaydii H**e ee Ka soo Gududbtay 2018kii.

Waxaana si faahfaahsan loogu soo jeediyay Sidii loo Tayaynlahaa Ardayda loona soo Xeraynlahaa Qorshaha Ardayda Degmada S.D 2019.

Shirkan waxaa Kasoo Qaybgalay Kooxda Abaabulka Waxbarashada Mudane yusuf carab oo ka socday (Xafiiska Waxbarashada DDS Waaxda waxbarashada Dadka waaweyn iyo ABE yada )
Waxayna Maamulada Qabaleeyada Kula Dardaarmeen in ay Ardayda soo xereeyaan kuwii Sanadkii H**e iyo Kuwa Cusub ee Gaadhay Da'da Waxbarashada.

Dhanka kale Gudomiyaha Degmada Mudane Dr.cabdirisaaq yuusuf axmad,Gudooomiye xigeenka degmada Mudane Cabdilaahi cabdi cumar iyo Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Mudane Cabdicasiis Suldaan ilyaas ayaa iyaguna Kula dardaarmay Maamulada Qabaleeyada sidii Ardaydii h**e iyo Kuwa Cusub ee Da'da Waxbarashada Gaadhay Dugsiyada Loogu Soo Xarayn Lahaa iyo Si Guud Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Tayada Waxbarashada.

Maamulada Qabaleeyada ayaa iyaguna dhankooda Balanqaaday inay soo xerayndoonaan Ardayda Kana Wada Shaqayn Doonaan Tayaynta Dugsiyada.

Diwaangalinta Ardayda Cusub ee Sanad-Dugsiyeedka 2019Nehaase 26 - Baagume 5/2018 oo ka bilaabmaysa Bari oo Talaado ah, w...
31/08/2026

Diwaangalinta Ardayda Cusub ee Sanad-Dugsiyeedka 2019

Nehaase 26 - Baagume 5/2018 oo ka bilaabmaysa Bari oo Talaado ah, waxaa si rasmi ah dugsiyada uga socon doona diwaangalinta ardayda cusub.

Waalidiinta waxaan ku wargalinayna in ay mudadaas dal ahaan loo qabtay aynan ka dib-dhicin, kuna diwaangaliyaan carruurta da'da waxbarashada gaadhay:

Barbaarin KG I & KG II: 4 jir ilaa 6 Jir
Dugsi Hoose 1-6aad: 7 Jir ilaa 12 Jir
Dugsi Dhexe 7-8aad: 13 Jir ilaa 14 Jir
Dugsi Sare 9-12aad: 15 Jir ilaa 18 Jir

Sanad-dugsiyeedkan waxaa cusub 23 Xirfadood oo uu ardayga ku baran karo fasalada 11-12aad isaga oo dooranaya xirfadaha uu dugsigiisa bixinayo.

Nehase 25/2018Macallimiintu iyaga oo dugsigooda jooga ayay shaqada waxbarashada bilaabayaan (Shaqooyinka Baris-Barasho e...
30/08/2026

Nehase 25/2018

Macallimiintu iyaga oo dugsigooda jooga ayay shaqada waxbarashada bilaabayaan (Shaqooyinka Baris-Barasho ee sanad dugsiyeedka 2019 ayay sii qorshaynayaan) IA.

Sida Jadwalka sanad-dugsiyeedka 2019 ku cad, Macalin walba, Bari oo isniin ah waa in uu iska xaadiriyo dugsigiisa.

natiijada imtixaanka fasalada 6aad iyo 8aadka ee dugsiyada Degmada
05/08/2026

natiijada imtixaanka fasalada 6aad iyo 8aadka ee dugsiyada Degmada

 )Waxaan maanta dhirbeeris ka sameyney Dugsiyada kala ah Dugsiga sare bambaas iyo Dugsiga hoose dhexe ee magaalada dhaga...
03/08/2026

)
Waxaan maanta dhirbeeris ka sameyney Dugsiyada kala ah
Dugsiga sare bambaas
iyo Dugsiga hoose dhexe ee magaalada dhagaxle
dhirbeeristaas oy nagu wehlinayeen mamulka gopolka faafan oo ugu h**eeyo Gobolka Faafan Mudane iyo xigeenka Gobolka Mudane
anagoo uga faiideysaneynaa barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga

🌳

Qorshaha Wasaarada Waxbarashada ee Diiwaangelinta ArdaydaWasaarada Waxbarashada Dalka ayaa ku baaqday in la iska kaashad...
02/08/2026

Qorshaha Wasaarada Waxbarashada ee Diiwaangelinta Ardayda

Wasaarada Waxbarashada Dalka ayaa ku baaqday in la iska kaashado sidii carruurta da'da waxbarashada gaadhay loo keeni lahaa dugsiyada, iyadoo la diyaariyey qorshaha abaabulka waxbarashada ee sannad-dugsiyeedka 2019 TI

📌 Qodobada Muhiimka ah:

Mas'uuliyada Guud: Wasaaradu waxay cadeysay in ay tahay mas'uuliyad ka dhaxeysa dawlada iyo bulshada in carruurta da'da waxbarashada gaadhay oo dhan la geeyo dugsiyada iyada oo aan la hordhigin wax shuruud ah.

Ardayda Dib u dhacday: Sidoo kale waxaa la adkeeyay in carruurta ka maqnaaday waxbarashada dhibaatooyin dabiici ah ama kuwa dad-samee ah awgood dib loogu soo celiyo dugsiyada waxbarashada, gaar ahaana dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Qorshaha Diiwaangelinta ee 2019 TI:
Waxaa la qorsheyay in la diiwaangeliyo ilaa 30 milyan oo arday ah.
Mudada diiwaangelinta dugsiyada ee sannad-dugsiyeedka 2019 waxay noqon doonta Nehase 26 ilaa Baagume 5.

Ololaha Guri-ka-guri: Waxaa la fulin doonaa olole guri-walba ah oo lagu abaabulayo bulshada, iyadoo diirada la saarayo inaysan carruurtu kaliya iman dugsiga balse ay halkaas joogaan ilaa dhammaadka sannad-dugsiyeedkan.

📢 Baaq ku socda Waalidiinta: Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan waalidiinta, hoggaaminta waxbarashada, iyo dhinacyada ay khuseyso in ay ka qaybqaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo waxbarasho leh tayo iyo aqoon iyo xirfad oo ay helaan jiilka soo koraya.

Mashruuca Dhagax-dhigga Dugsiga Hoose ee Santerka Dul'axbaab ayaa si rasmi ah loo bilaabay, iyadoo ujeeddadiisu tahay in...
22/07/2026

Mashruuca Dhagax-dhigga Dugsiga Hoose ee Santerka Dul'axbaab ayaa si rasmi ah loo bilaabay, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la ballaariyo fursadaha waxbarashada, lana helo deegaan waxbarasho oo ku habboon ardayda. Mashruucani wuxuu door weyn ka qaadan doonaa kobcinta tayada waxbarashada, yaraynta ciriiriga fasallada, iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya.

OgaysiisDiyaargalawga, Jadwalka iyo Shuruudaha Looga Baahanyahay Ardayda Ku Galaysa Jaamacadaha Imtixaanka Shahaadiga Ee...
02/07/2026

Ogaysiis
Diyaargalawga, Jadwalka iyo Shuruudaha Looga Baahanyahay Ardayda Ku Galaysa Jaamacadaha Imtixaanka Shahaadiga Ee Fasalka 12aad

Waxaa saaka si guud uga bilaabmey Imtixaanka shahaadiga ah ee  fasalka 8aadka ee dugsiyada degmada Gudoomiye kuxigeenka ...
18/06/2026

Waxaa saaka si guud uga bilaabmey Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aadka ee dugsiyada degmada

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Faafan iyo gudoomiyaha degmada Gursum ayaa saaka si rasmi ah degmada Gursum uga daahfuray imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2018-ka T.I.

Guud ahaan degmada Gursum waxaa
Imtixaanka u fadhiisanaya arday dhan 210 arday oo isugu jira 165 arday oo lab ah iyo 45 Arday oo dhadig ah, waxayna qaadan doonaan 6 maado oo kala ah Soomali, English, Xisaab, Wadani, Cilmi Bulsho iyo Sayniska Guud.

Gudoomiye kuxigeennka gobolka Faafan Mudane Cabdulahi Axmed iyo gudoomiyaha degmada Gursum Dr. Cabdirisaaq Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku saaka ku billowday jawi degan islamarkaana diyaargarow balaadhan laga sameeyay sidii ay ardaydu natiijo wanaagsan uga keeni lahaayeen Imtixaanka, maadaamoo qashkii meesha laga saaray.

Address

Jijiga

Telephone

+251915755065

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska waxbarashada Degmada Gursum posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share