Ilays technical service

Ilays technical service Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ilays technical service, College & University, 05, Jijiga.

Ku soo dhawow Ilays technical service waxay kaa haqab tiri doontaa baahida farsamo ee IT ee ka jirta goobtaada ama xafiiskaada hadaba waxaan diyaar kuula nahay adeeg waliba oo aad u baahato oo ICT la xidhiidha soo dhawow markale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE KENYA Muqdisho, Sibteembar 08,...
08/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE KENYA

Muqdisho, Sibteembar 08, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Mudane Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.
facebook
Twitter

Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa maanta Qorshehagaha 25 Magaalo si rasmi ah ugu wareejiyay Hoga...
08/09/2022

Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa maanta Qorshehagaha 25 Magaalo si rasmi ah ugu wareejiyay Hogaaminta Dawladaha hoose.

Munaasabada wareejinta Qorshe-hageyaashan, oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiinta Magaalooyinka Dawladaha hoose ee dhawaan loo sameeyay Qorshe-hagaha, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Xafiiska Mudane Cabdiraxman Iid Daahir, Wasiir kuxigeenka Mudane Dayib Muxumed Jaamac iyo agaasinka Waaxda Qorshe-hagaha Mudane Maxamed Aadan.

Wasiirka oo halkaas kula Hadlay hogaaminta laguwareejiyay Qorshe-hagaha Magaalooyinkooda, ayaa kudheeraaday ahmiyada uu Qorshe-haguhu uleeyahay Magaalada iyo kaalinta ay kuleeyihiin Maamulka Degmada iyo Kuwa Dawlada hoose. Wasiirka oo arintan ka hadlaya ayaa sheegay, in ay dhibaatooyin badan kajiraan dhina kudhaqanka Qorshe-hagaha Magaalooyinka taas oo ay sabab utahay fahan la'aan iyo dhayalsi ka jira dhinaca maamulada Degmooyinka iyo Dawladaha hoose, waxa uuna intaas kudaray in hada kadib, laiskula xisaabtami doono arimahan.

Wasiir kuxigeenka oo isaguna dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa Masuuliyiinta Magaalooyinka kuladardaarmay in ay shacabka wacyigalin balaadhan kasiiyaan Qorshe-hagaha si ay u fududaato dhaqangalinta Qorshe-hagaha Magaaladu. Wasiir ku xigeenka ayaa intaas kudaray in Maamulka Degmada iyo kuwa Dawladaha hoose, ay kasoo dhalaalaan kaalinta kaga aadan ilaalinta iyo kudhaqanka Qorshe-hagaha Magaalooyinka ay masuulka kayihiin.

21/08/2022

Markasta oo uu oday soomaaliyeed dhintaa waxaa gubtay buug soomaali ah

21/08/2022

Wellcome all my friends the Fecbook page

Address

05
Jijiga
6

Telephone

+251915565599

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ilays technical service posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Ilays technical service:

Share