15/05/2021
Lammaane kasta o is jecel oo haddana wada jira o wada jooga, bal weydii sirta ka danbaysa jacaylkooda..
Keliya waxay ku odhanayaan ;
" intii aanu ahayn labo xidhiidh leh, waanu kufnay o waanu kacnay, waanu jabnay o haddana waanu kabannay, dad neceb wada jirkayagana waanu la kulannay o waanu ka gudubnay, way jireen dad badan o doonayey inay nakala dilaan o ay nakala fogeeyaan balse annagu waxaanu ahayn labo aan dhibaato kasta oo ka hortimaadda u joojin, dulqaad, deggenaan iyo dareen qaybsi ayaanu kuwada joognay, ugu danbaynna waanagan guranayna midhaha jacaylkaanu usoo rafaadnay "...
Jacayl kasta o guuleystaa wuusoo turun-turooday, wuuna soo jabay, balse dhibaato kasta dulqaad iyo deggenaan ayuu kagasoo gudbay...
Waa macquul inaadan maanta dareensanayn ruuxan dhabta kuu jecel, e aad haddana jacaylka lawado..
Waa macquul inaad raadinayso waddadii aad ku kala fogaan lahaydeen ..
Balse keliya xasuusnow in jacaylka loosoo dhibtoodaa uu yahay jacayl dhala midho macaan..
U dulqaado o dareen deggenaani weheliso ku daryeel jacaylkaaga, waa hubaal waxaad goosan doontaa midho lagoosto kuwooda u macaan...
Like saar page-ka
Share sii qormadan haddaad ka heshay
Faalladaadana hoos noogu reeb
Mahadsanid..