10/10/2023
Ma og tahay inay jiraan dad aan awoodin inay wax dhadhamiyaan, maadaama ay xannuusanayaan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan cuni karin cunto kasta oo ay jeclaadaan, maadaama ay xannuusanayaan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan xor u ahayn sidaada oo kale, maadaama ay xabsiyo ku jiraan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan lugahooda ku socon karin, maadaama ay lugaha curyaan ka yihiin ?
Ma og tahay inay jiraan dad xasaasiyad ku qaba waxyaabaha qaar, maadaama ay la nool yihiin xannuuno?
Ma og tahay inay jiraan dad geeriyooday, oo aan dib usoo laaban doonin?
Ma og tahay inay jirin dad aan akhrin karin qoraalkan, maadaama aannay indho qabin?
Ma og tahay inay jiraan dad tiro badan oo aan nabad ku seexanayn, maadaama ay daggaalo ka jiraan meelaha ay ku nool yihiin?
Haddaba,
adigoo og dhamaanba inay xaaladahani jiraan, oo aad dhamaanba ka nasiib wanaagsan tahay dadkan, maxaad uga cabanaysaa noloshaada? maxaad ugu samri la’adahay xilliyada adag ee kusoo maraya? Maxaad u nacaysaa qof kale sabab la’aan? Maxaad u dulminaysaa qof kale ujeedo la’aan? Maxaa kaa qaaday farxadii, ee aad uga wer-weraysaa wax aan gacanta kuugu jirin? Bal ka yara fikir arrimahan.
Is-xisaabi intaan lagu xisaabin!
xigasho:- Mohamed Faisal