06/09/2026
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐝𝐢𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚?
Itoobiya waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa xaalad siyaasadeed iyo amni oo sii adkaanaysa.
Dawladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay cadaadis kala kulmaysaa kooxo hubeysan iyo xoogag siyaasadeed oo ka hawlgala Tigray, Amhara iyo Oromia. Waxa arrinta sii murjinaya xiriirrada cusub ee dhex maraya qaar ka mid ah kooxihii h**e u ahaa cadow, iyo doorka dalalka deriska ah, gaar ahaan Eritrea.
Jawar Mohammed, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo codadka ugu saamaynta badan siyaasadda Oromada ayaa shalay laga sii daayay barta Reyot waraysi uu ka qaaday wariyaha dibad-jooga ah ee Tewodros Tsegaye, iyadoo Jawar Mohammed uu soo bandhigay sida uu u arko mustaqbalka Itoobiya,kooxaha ka soo horjeeda Abiy iyo waxa dhici kara haddii ay isku dayaan inay dawladda xoog ku ridaan.
Wuxuu waraysigan bannaanka soo dhigay Jawar, inuu arkayo isbeddel ka dhici kara Itoobiya,wuxuuna toos u gudagalay sida isbeddelka noqon karo iyo haddii Abiy meesha laga saaro waxa dhici kara.
Jowhar wuxuu ku dooday in kooxaha hubeysan ee doonaya inay Abiy meesha ka saaraan aysan ku tiirsanaan dagaal iyo taageero shisheeye oo keliya. Wuxuu doorbidayaa in cadaadis shacab iyo mid siyaasadeed lagu kordhiyo dawladda, si ugu dambayn loogu qasbo wadaxaajood iyo isbeddel siyaasadeed.
Laakiin haddii kooxahan ay isku dayaan inay xukunka xoog ku qabsadaan, Jowhar wuxuu leeyahay waa inay marka h**e ka heshiiyaan waxa ay samaynayaan marka ay guuleystaan. Sababtu waa in kooxaha maanta ka soo horjeeda Abiy aysan isku dan iyo isku aragti ahayn.
Tigray waxaa ka jira TPLF, Amhara-na waxaa ka dagaallama Fano, halka Oromia ay ka hawlgasho OLA. Kooxahan waxay h**ey uga soo horjeedeen dhinacyo kala duwan, qaarna dagaal ayay h**e u dhex maray. Sidaas darteed, waxa maanta isku keenaya inta badan waa mucaaradnimada dawladda Abiy, balse taasi macnaheedu ma aha inay isku raacsan yihiin Itoobiya ay rabaan in la dhiso.
Tani waa meesha uu muhiimka ka yahay magaca Tsimdo ee maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay. Warbixinno kala duwan ayaa Tsimdo ku tilmaamaya isku-xir ama isbahaysi ay ku lug leeyihiin TPLF, Eritrea iyo qaybo ka mid ah Fano, iyadoo OLA iyo kooxo kale sidoo kale lala xiriiriyay. Laakiin ma jiro heshiis cad oo muujinaya in dhammaan kooxahan ay leeyihiin hal hoggaan ama hal qorshe siyaasadeed. Xitaa ilo ka hadlaya isbahaysiga ayaa qiraya in kooxahaasi ay dano kala duwan leeyihiin, isla markaana waxa ugu weyn ee isku haya uu yahay cadaadiska dawladda federaalka.
Jowhar wuxuu si gaar ah u taabtay doorka Eritrea. Haddii kooxaha dawladda Itoobiya ka soo horjeeda ay taageero militari ka helaan Eritrea ama ay ciidamo Eritrean ah gudaha Itoobiya soo galaan, wuxuu sheegay in arrintaas aan la sugin in laga wada hadlo ka dib marka dawladda la rido. Waa in h**e loo go'aamiyaa waxa laga yeelayo ciidamadaas iyo xiriirka mustaqbalka ee Itoobiya iyo Eritrea.
Tani ma aha arrin yar. Eritrea waxay h**e uga dagaallantay dhinaca dowladda Itoobiya dagaalkii Tigray, halka maanta ay soo baxayaan xiriirro cusub oo u dhexeeya Asmara iyo qaar ka mid ah kooxihii markaas ay is hayeen. Hay’adda ku takhasustay sirdoonka iyo xogta difaaca iyo amniga, gaar ahaan xogta laga heli karo ilo furan (OSINT) ee Janes iyo hay'ado kale ayaa sidoo kale xusay in isku-soo-dhawaanshaha TPLF iyo Eritrea uu kordhin karo khatarta dagaal cusub oo Itoobiya iyo Eritrea dhex mara, gaar ahaan iyadoo Addis Ababa ay sii waddo hadallada ku saabsan helitaanka marin badeed.
Marka hadalka Jowhar la isku geeyo, digniintiisu waxay ku saabsan tahay wax ka weyn Abiy Axmed. Wuxuu ka digayaa in haddii kooxo kala duwan ay dawlad ku ridaan xoog, balse aysan horay ugu heshiin cidda dalka maamuleysa, sida awoodda loo qaybsanayo iyo mustaqbalka ciidanka iyo hay'adaha dawladda, dagaalku uusan halkaas ku dhammaan doonin, taasoo xaaladda Itoobiya ka gudbinaysa in la is waydiiyo isbeddel inuu ka dhici karo, markaanse xaaladdu soo gaartay in la fallanqeeyo waxa xiga isbeddel ka dhici kara Itoobiya.
Inta uu waraysiga ku jiray Jawar Mohammed, waxaa kaloo uu ka digay kooxaha doonaya inay xukunka ka tuuraan Abiy, inay ka fogaadaan iskuday kasta oo lagu kala dirayo ciidanka iyo hay’adaha Itoobiya , taasoo uu ku sheegay inay khatar gelinayso mustaqbalka Itoobiya, maaddama cadaadiska ay wajahayso dawladda Abiy uu culeyskiisa ka imaanayo dhinacyo kale oo dibadda ah oo ay ugu horreyso Eritrea oo taageerro ka helaysa Masar iyo Suudaan, oo dhammaantood doonaya isbeddel ka dhacaya Itoobiya inay saameyn ku yeeshaan oo ay meesha ka saaray Itoobiya mustaqbalka khatar ku noqon karta. Muuqaal u eg masiirka ay Soomaaliya wajahday, markii kooxo hubaysan ay meesha ka saareen nidaamkii militariga.
Waxa Jowhar hadda soo jeedinayo, sida muuqata, waa in laga gudbo doodda ku saabsan in Abiy la ridi karo iyo in kale. Doodda dhabta ahi waa waxa Itoobiya noqonayso haddii uu isbeddel dhaco.𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐝𝐢𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚?

Waxa Jowhar hadda soo jeedinayo, sida muuqata, waa in laga gudbo doodda ku saabsan in Abiy la ridi karo iyo in kale. Doodda dhabta ahi waa waxa Itoobiya noqonayso haddii uu isbeddel dhaco.