24/01/2026
450 arday oo bartay culuumta caafimaadka dhibloomaha ayaa maanta ka qalinjabiyay Kuliyada Caafimaadka Cali Dhadac ee magaalada Jigjiga.
Munaasabada qalinjabinta oo ah dufcada 18aad ee bartay xirfadaha caafimaadka kala duwan ee dhibloomaha oo ay ka qalinjabiyeen 450 arday oo isugu jira 190 lab iyo 260 dhadig ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS, masuuliyiinta kuliyada caafimaadka Cali Dhadac, qalinjabiyayaasha, waalidiinta ardayda, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo martisharaf kale.
Wasiirka Xafiiska Shaqo-abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed iyo Maareeye kuxigeenka Kuliyada Caafimaadka Cali Dhadac Mudane Haaruun Xasan oo munaasabada ka hadlay ayaa ardaya maanta qalin badalatay ugu hambalyeeyay xirfada caafimaadka ay barteen looga fadhiyo in ay bulshada deegaanka ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay, xirfadle kastana uu kasoo dhalaalo goobta lagu qoro.
Gabo'gabadii munaasabadan ayaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii ugu dhibcaha sareeyay ee kaalmaha isku xig xiga galay.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.