25/08/2022
Casemiro:🗣"Shaki kuma jiro inaan aad u faraxsanahay, si diiran ayaa la ii soo dhaweeyay, waxaan horey u dareemay kalgacalka gaarka ah ee qof walba ii qabo dabcan taasi waa mid muhiim ah."
“Waan ognahay in halkan ay tariikh aad u weyn ay taalo, waa naadi leh taariikh cajiib ah, kaliya ma ahan garoonka balse kooxda sidoo kale, wax walba way ku guuleysatay kooxdan."
"Waxaana rabaa inaan la kulmo asxaabtayda cusub oo aan caawiyo kooxdan, aniguna waxaan ahay hadda ciyaaryahan Man United ah.”
"Jaceylka ay ii qabaan kuwa igu xeeran waxay ahayd wax cajiib ah markii aan imid, Dadku runtii saaxiib-bay ila ahaayeen, waxay ii muujiyeen kalgacal badan, taasina waa waxa aad jeceshahay inaad ka dareento qof ahaan."
"Ma garanayo in dad badani ay garanayaan arrintan, laakiin waxaan ku ciyaaray Old Trafford aniga oo 15 jir ah, markii aan joogay São Paulo, waxaanan ku haysataa filimkaas maskaxdayda, 15 sano ka dib halkan ayaan ku soo noqdey si aad ugu ciyaarto Man United.”
"Hadda oo aan halkan imid waxaan ahay qofka ugu farxadda badan ee ku nool aduunkan, mana sugi karo inaan tayadeyda kusoo bandhigo garoonka dhexdiisa oo aan caawiyo saaxiibadeyda kooxda iyo inaan ka caawiyo United inay badiso kulamo badan iyo inaan koobab kula guuleysto.
"Horyaalka Premier League waa riyo in laga ciyaaro, waa horyaal cajiib ah, ixtiraamka ay taageerayaashu u hayaan ciyaartoyda, ciyaartoyda sidoo kale way ixtiraman taageerayaasha, iyo garsoorayaasha, sidoonkale garsoorayaashuna way ixtiraman ciyaartoyda, taasina waa arin xiisa leh."
"Xaaskaygu waxay ku hadashaa afka Ingiriis, waxaan haystaa gabadh 7 jir ah iyo wiil halsano jir ah, markaa waxay ugu hadlaan luuqa Ingiriis si ka fiican sidaan ugu hadlo anigu."
"Runtii aad ayaan uga xumahay adiga (Wariyaha) iyo dhamaan taageerayaasha Man United in aanan wareysigan ku bixin af Ingiriis, laakiin waxaan rabaa inaan barto, waxaan rabaa inaan barto sida ugu dhaqsaha badan."
"Marka [aad] ka dhoofto garoonka diyaaradaha ee caasimadda, waxaad dareemeysa