23/08/2026
Shirkii Wacyigelinta Dhalinyarada Degmada Jarati
Magaalada Jarati waxaa saaka ka qabsoomay shir wacyigelin ah oo loo qabtay dhalinyarada degmada Jarati.
Shirkan oo muhiimaddiisu ahayd xoojinta isku xirka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa booliska iyo dhalinyarada, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha iyo caqabadaha saameeya dhalinyarada.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay:
Tahriibka iyo khataraha uu ku leeyahay dhalinyarada iyo mustaqbalkooda.
Dhaqan-xumada iyo waxyaabaha dhaawici kara anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshada.
Si xun u isticmaalka baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, iyo saameynta taban ee ay ku yeelan karto dhalinyarada.
Shirku wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo dhalinyarada iyo boolisku ku wadaageen fikrado, talooyin iyo xalal ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka bulshada, loona abuuri lahaa dhalinyaro wacyigashan, masuul ah, isla markaana kaalin wanaagsan ka qaata nabadda iyo horumarka degmada Jarati.