24/08/2021
Qof arday ah in visa laβaan ahaado 8 bilood iyo kabadan wax la qaadan karo ma ahan ee safaarada kuwa ka shaqeeyo ha ogadaano iney howsha u taalo aysan eheen howl yar.
ββββββββββββββββββββββ-
Caqabadaha heysta ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka pakistan
muwaadinka marka uu ku nool yahay dal aan dalkiisa aheen waxaa halkaas ku matala safaarad,safaradaas waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda iyo isku xirka laba dowladood.
Burburkii dowladnimadeena soomaaliya waxaa saameyn balaaran ku yeeshay musuqmaaasuq iyo nin jecleysi
taasoo meesha ka saareysa hufnaanta dowladnimada iyo la xisaabtanka, sida aan wada ognahay ardeyda soomaaliyeed waxey Hayaan waxbarasho u soo Aadeen dalalka shisheeye si ay wax ugu kororsadaan
Ardeygaas safarka dheer U soo galey waxaa ku hor gudban caqabado badan taasoo ugu h**eyso matalaad la'aan ka heysata safaarada Iyo takrifal awoodii dowladnimo ee lugu ilaalin lahaa in Asigii loo adeegasado taasoo ugu haboon aqoon darada lugu soo xulayo iyo nin jecleysiga.
Anigoo Ah ardey soomaaliyeed wax ka barta dalka pakistan Waxaan baaq dheer udiraayaa madaxda dalka taasoo ah iney wax ka qabtaan dhibaatada haysata ardayda iyo ku takrifalka awoodeed ay isticmaalayan shaqaalaha safaradda.
caqabadaha:
1. Iskaashiga labada hey'adood ey quseeyso arimaha visaha oo aad u liita taas oo sababtay in aan wax visa ah la heli karin waqti xaadirkaan, inta ugu badan ardayda oo visa la'aan ah sababa laxariira is fahmi waa ka dhex taagan safaarada somalia Pakisatan iyo Wazaarada ey quseeyso arimaha visaha oo ah (wazaarasda arimaha Gudaha ee pakistan )
Wazaarada arimaha gudaha ee pakistan guud ahaan waxeey badashay hanaanka viisaha loo xaraysto oo markii h**e ahaa qaab warqado xareyn oo si toos loogu xareeyn jiray wasaarada hanaankaas oo hada lagu badalay qaab computerized ah (E-Visa) oo adigoo gurigaaga jooga aad soo xareeysan karto, dhamaan wadamada aduunka oo idil waa loo ogalaaday E-visa marka laga reebo 3 wadan oo eey somalia ku jirto, taas oo sababtay in ardaydi wax jawaab ah eeynan helin maadaama aanan ku jirin wadamada loo ogolaaday E-visa wali ardayda wexeey raacaan qaabki h**e, si kasto aan iskugu daynay in aan ku raadino visaha ma suurtagalin in aan helno,Wazaarada arimaha gudaha waxeey si cad noogu sheegeen in safaarada somaliada eey diidantahay in eey kala shaqeeynaan qaabkii E-vasa looga dari lahaa somalia.
2. is diiwaangalinta police-ka, arday kasta waxaa qasab ah in uu is diiwaan galiyo 3 mar.
- marka uu wadanka soo galo
- marka uu dhoofayo
- visaha markuu cusbooneeysiinayo
wadamo badan ayaa nala mid ahaa sida kenya, sudan, lkn hada wax police station ma tagaan oo waxaa dhabarka u dhigtay safaaradahooda oo ka dhiidhiyay arinkaa foosha xun, ardayga somaaliga ah sanadki oo idil wuxuu u dhexeeyaaa, police station, wazaarada arimaha gudaha iyo safaarada somaliada qeeybta lacagta lagu bixiyo.
Waxaan ka codsanayaa madaxda dalka ugu sarayso iney isbadal deg deg ah ku sameeyaan ayna xal u helaan dhibaatada ka jirta safaarada soomaaliyeed ee pakistan.
W/Q: Hussein Bashir