29/02/2024
Cilmi dheere waa xarun iyo jaamacad diineed oo kutaalla soomaali galbeed gaar ahaan magaalada qabridahar.
muddo dhawr iyo labaatan sano aha waxaa fadhiya sheekh mahad xaaji shukri, ilaahay sheekha haka raalli noqdo.
Wuxuu sheekhu meeshaa ku aqriyay culuum aad utiro badan.
mutacallim culimadayda kamid aha wuxuu igu yidhi: waxaan cilmi dheere ku aqristay dhawr iyo labaatan cilmi.
Waxaa kamid aha culuumta la aqriyay:
1- tafsiirka, marka aan kuleeyahay tafsiirbaa la aqriyay: k**a wado aayadda macneheeda ayaa la isasaaray.
horta waxaa la aqriyay: jalaalaynka iyo xaashiyada saawiga oon hal xaraf laga tagin.
Waxaa loo aqriyay si aad uqoto dheer oo loogu fogaaday qur'aanka macnihiisa.
nin oday aha oo sheekaynayay ayaa yidhi: waxaan duhurka kadib xaadiray tafsiir uu aqrinayo shekh mahad, wuxuu yidhi:
(والتين والزيتون)
Labadaa kalmadood siduu usharxayay ayaa casarkii lugu galay.
Waxaad kadheehan kartaa awoodda uu lahaa tafsiirkuu ustaadku aqriyay.
2- xadiith, oo la aqriyay tan iyo sunanka.
3- fiqhi, oo la aqriyay tan iyo sharaxa fatxu jawaad, ee irshaadka saaran.
4- usuul, tan iyo sharaxa jamculjawaamic ee maxalliga.
5- musdalix, tan iyo alfiyaha ciraaqi.
6- tasawuf, tan iyo risaalada qushayri iyo ixyaha qazaali.
7- qawaacida fiqhiga.
8- caqiidada.
9- mandiq.
10- caruud iyo qawaafi.
11- naxwo.
12- sarfi.
13- balaaqo oo sadex fanni aha, tan iyo sharaxa talkhiiska ee mukhtasarka hal xaraf lagama tagin.
14- faraaid.
15- adabka, tan iyo maqaamaatka.
16- madxiga.
17- siirada.
18- cilmu tajwiid.
Waxaa laga yaabaa: darsiga saaka loo fadhiistay in duhurka lugu gaadho, awoodda intaa la eg waa wuxuu ilaahay bixiyo, oon dadka lawada siinin.
Waxaa intaa sii dheer: khadkii iyo qiraa'aatkii oo si aad usarraysa loogu barto masjidka cilmi dheere.
Waxaa kaloo intaa sii dheer: aadaabta iyo tarbiyada laga dhaxlo sheekha iyo dariiqada nuurka iyo nafaxaatka wadata, ee middan sirwacan ee qayyisha ahayn ee tii qumanayde ilaahay taqaanay aha.
Waxaasoo khayr aha waa bilaa shuruud, cid kastoo doonatoo daacad ahaa hesha, wax cashir laga caydhiyo iyo wax darsi loo diidana majiro, lacag la isku xujeeyo ma jirto, waliba qofkii wax barta loona arko tadriis inuu usuubado idanbaa loogu daraa.
Ilaahay culimada halkaa fadhida hakaraameeyo diinta way uhagar bexeene ilaahay jannadiisa firdaws ha isugu geeyo, gaar ahaan sheekha ilaahay haka raalli noqdo.
حفظه الله ورعاه في الدارين ءامين يارب العالمين 🤲🤲
Xigasho: WQ/✍️sheikh khaalid خالد بن عبدالله