23/08/2026
Baahida loo qabo aqoonta sharciga waa mid aad u sarreysa, maadaama sharcigu aasaas u yahay dowladnimada, caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, kala dambeynta, amniga, koboca dhaqaalaha iyo horumarka dowladnimo.
Hadaba Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Jubada Sare waxay ardayda barata Sharciga iyo Qaanuunka siisaa tababarro iyo maxkamad-matalaad (Moot Court), kuwaas oo loogu talagalay in ardaydu si ficil ah ugu dabaqaan aqoonta ay barteen.
Tababarradan waxay ardayda ka caawinayaan inay yeeshaan xirfado dheeraad ah oo ay ka mid yihiin:
Oogista iyo diyaarinta dacwadaha.
Difaacidda eedeysanaha.
Baarista iyo falanqaynta kiisaska.
Diyaarinta doodaha sharciyeed.
Fahamka habraacyada maxkamadaha.
Xirfadaha qareennimada iyo matalaadda muwaadiniinta.
Aqoonta iyo xirfadaha casriga ah ee dhinaca sharciga.
Kafaa’iideyso waqtigaaga!
La jaanqaad dunida casriga ah, baro sida dacwadaha loo oogo, sida loo diyaariyo dood sharciyeed oo xooggan, iyo sida aad si xirfad leh ugu difaaci lahayd muwakilkaaga, si aad mustaqbalka u noqoto Lawyer xirfad leh oo ku guuleysta kiisaska ay dadweynuhu kuu wakiishaan.
Kusoo dhawoow waxbarasho tayo leh, aqoon iyo tababar isugu jira maqal iyo muuqaal.
Booqo xarumaheena:
Baydhabo iyo Qansaxdheere
📞 La xiriir: +252 619 344 242
+252 615 798 910
📧 Email: [email protected]
Jaamacadda Jubada Sare