16/01/2026
Ardayda Kuliyadda ๐๐จ๐ฆ๐๐ฎ๐ฒ๐ฎ๐ฎ๐ญ๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ee Jaamacadda, gaar ahaan kuwa sanadkii ๐๐๐๐, ayaa maanta si guul leh u soo bandhigay mashaariic kala duwan oo lagu dhisay ๐ # ๐๐ซ๐จ๐ ๐ซ๐๐ฆ๐ฆ๐ข๐ง๐ .
Bandhiggan ayaa muujiyay aqoonta qotada dheer iyo xirfadaha farsamo ee ay ardaydu ku kasbadeen koorsada, taas oo u suuragelisay inay diyaariyaan systemyo casri ah oo wax ka beddeli kara baahiyaha jira ee deegaanka.
Maamulka Jaamacadda oo goobta ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu qabtay macallinka koorsada iyo dadaalka muuqda ee ardayda. Waxay ardayda ku dhiirrigeliyeen inay dadaalkooda sii labanlaabaan, ayna si buuxda ugu diyaar garoobaan tartamada iyo fursadaha suuqa shaqada ee sii kordhaya.
Bandhiggan maanta qabsoomay wuxuu caddeyn u yahay sida jaamacaddu uga goโan tahay kobcinta hal-abuurka, xirfadaha farsamo, iyo diyaarinta arday leh tartan suuqeed oo dhab ah.
Baidoa International University
BIU Buur Hakaba