12/06/2026
Waxaa si habsami leh kusoo idlaaday imtixaanka k**a dambeysta ah ee Sanad dugsiyeedka 2025-2026. Wuxuu ahaa sanad dhammaan bahda dugsiga laga billaabo heer maamul ilaa heer arday dugsiga ka fuliyeen howlo baaxad weyn leh oo aan ku koobneyn dhigasho iyo dhigid balse waxqabadyo manhajka ka baxsan (Extracurricular Activities) ayaa iskuulka ka qabsoomay ayadoo fasallada ama tartamayaasha ku guuleystay la abaal mariyay si loogu dhiiri galiyo guulaha ay gaareen.
Maalintii shalay, 11 June 2026 waxaa si farxad, reyn-reyn iyo is bogaadin leh ku dhamaaday imtixaanka fasallada Dugsiga sare. Ayadoo maalinta ka h**eysay ee arbacada 10 June 2026 uu soo idlaaday imtixaanka fasallada Hoose iyo dhexe ee dugsiga.
Ardayda waxa aan u rajeyneynaa natiijo qurux badan oo ay ku farxaan, waxaana markale casuumi doonaa waalidiinta ubadka, ardayda iyo qeybaha bulshada si markale garab istaag iyo dhiiri gelin loo siiyo ardayda galay kaalimaha 1,2, iyo 3aad ee heerarka kala duwan ee dugsiga.
Xafiiska Arrimaha Ardayda Scs
fans
Central Foundation
Hani Ahmed Maxamuud
Axmed Cllahi Xasan
Somali Central School
゚viralシfypシ゚viralシalシ