03/09/2026
Al-Hayat Teaching Hospital — Daryeel Caafimaad oo Tayo Leh.
Warbixin Bukaan – Qaliinka Layserka ee Xamaytida (Laparoscopic Cholecystectomy)
Cisbitalka waxa soo gaaray bukaan qaba xanuun qaybta sare ee midigta ee caloosha, oo ay weheliyaan yalaalugo iyo matag joogta ah. Kadib qiimeyn caafimaad iyo baaritaanno qoto dheer, waxaanu Gaarnay qiimayn cafimaad oo lagu ogaaday in bukaanku qabo caabuqa Xamaytida oo ay ku keentay Dhaqaxaanta Xamaytida ( Complicated Calculus Cholecystitis).
Maadaama xaaladdu ahayd mid u baahan daaweyn degdeg ah, bukaanka waxaa loo diyaariyey qaliin, halkaas oo loogu sameeyey Laparoscopic Cholecystectomy (ka saarista xameetida iyadoo la adeegsanayo habka Layserka ah).
Alxamdulillaah, qalliinku si guul leh ayuu ku dhammaaday, bukaankuna wuxuu gurigiisa ugu baxay xaalad wanaagsan oo soo kabasho Ah.
-Hayat Hospital Borama
Daaweynta iyo daryeelka
us: 63 4526710/638999911