02/02/2026
Deg-Deg:- Wararkii Ugu Danbeeyey Colaada Ka Taagan Gobolka Awdal.
Inkasta oo ay saaka xaaladu degen-tahay haddana waa mid qarka u saaran in mar kale fooda la is daro maadaama la isku hor fadhiyo aagga woqooyi ee deegaanka damasha. Halkaasi oo saaka lagu aasaayo 13-qof oo ka tirsan jabhada beesha Ciise oo shalay laga soo riixay aagga Damasha.
21-xubnood oo ka tirsan jabhada Ciise iyo 6-ka mid ah ciidamada madaniga ah ee deegaanka ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Damasha.
Dhinaca kale xalay saqdii dhexe gawaadhi tiro badan ayaa soo gaadhay deegaanka Osoli halkaasi oo ay isku urursanayaan jabhada beesha Ciise sida ay noo xaqiijiyiin dadka deegaanka oo si fiican u arkaayey laydhka iyo guuxa gawaadhidaasi.
Sidoo kale ciidanka Somaliland ayaa saaka soo gaadhay deegaanka Gargaara-bari.
Gargaara Media group