25/12/2021
Jaamacadaha Camuud & Haramaya/Ethiopia Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Bixinta Waxbarasho PhD Ah
Taariikhda tacliinta sare ee gayiga Soomaaliliyeed markii ugu horaysay ayay Jaamacadaha Camuud & Haramaya ee dalkaasi Itaabiya ay maanta oo ay taariikhdu tahay 25kii bisha December Sanadka 2021 si rasmi ah udaahfureen, u shaaciyeen bulshadana ugu bishaareeyeen in ay bilaabayaan barnaamijka waxbarasho ee Phd-da oo ay ku lamaan yihiin takhasusaadyo kale oo Master dhinaca caafimaadka ah oo aan dalka h**e uga jirin.
Daahfurkan tacliinta sare oo ka dhacay hoolka jaamacada camuud goobjoog ahaa madax iyo masuuliyiin ka kala socotay labada Jaamacadood, arday, Masuuliyiin ka socotay Komishaka Tacliinta Sare ee Somaliland iyo daneeyayaal kale oo waxbarasho oo goobjoog u ahaa madashaas taariikha ah iyo markii sida rasmiga ah qalinka loogu duugay iskaashigaasi dhexmaray labada Jaamacadood.
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed Gudoomiyaha Jaamacada Camuud oo ahmiyada madashaas ayaa ku tilmaamay in ay tahay maalin taariikhda gashay oo ay Jaamacada Camuud 24 sano kadib hirgalisay waxbarasho PhD-ah, waxana uu tilmaamay in uu kalsooni wayn ku qabo xidhiidhka iyo heshiiska iskaashi ee ay la sameeyeen Jaamacada Haramaya ee dalka Itoobiya.
Prof. Jaylaani oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka & arimaha ardayda ee Jaamacada Haramaya ayaa isaguna qiray in iskaashigani uu tayada iyo fursadaha Tacliinta sare ee Somaliyeed wax wayn ku soo kordhin doono, waxana uu qiray in Jaamacada Camuud ay u diyaarsan tahay, bixina karto wacbarashadaas sare, ka Jaamacad ahaana ay si wayn ugu qanceen kartida Jaamacada Camuud.
Dr. Maxamed Muuse Jibriil Gudoomiye ku xigeenka arimaha waxbarashada ee jaamacada Camuud ayaa isaguna bahda cilmi-daalibka ah u faahfaahiyay takhasusaadyada waxbarashadan sare ee ay bixinayaan oo dhan 8 takhasusaad, waxana isaga oo afka Ingiriisiga ku akhtriyaya uu yidhi
“Dhinaca PhD-da, Xarunta Jaamacada Camuud ee Boorama waxa ka baxaya oo ilaa hada ay ardaydii gali lahayd shuruudahoogii buuxiyeen takhasusaadyada kala ah: Public Health, Climate Change and Disuster Risk Management, Educational Leadership and Policy Study iyo Business Administartion”. Sidoo kale Takhasusaadka Master-ta waxa baxaya barnaamijyada kala ah: Gyno-opstiatrics, General Surgery, pediatrics, Pediatric Nurse iyo Medical Microbiology.
“Hargaysa dhinaca PhD-da waxa ka furmi doona barnaamijka ah Educational Leadership and Policy Study. Dhinaca Takhasusaadka Master-tana waxa ka furmi doona Gyno-opstiatrics, General Surgery, Pediatrics, iyo Medical Microbiology.
Mudane Mubaarik oo isaguna ka socday komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay heshiiska labada Jaamacadood iyo bilawga Waxbarashada PhD-da, waxana uu xusay inuu ku faraxsan yahay guulaha ay Jaamacada Camuud ka soo hoysay dhinaca waxbarashada.
Wixii intaasi ka dambeeyay ayaa masuuliyiin ka socday labada jaamacadood ay soo dhaweeyeen iskaashiga labada jaamacadood iyo fursadan waxbarasho, waxana ay bahda cilmiga u ooman ku booriyeen inay is diiwaangaliyaan oo ay ka faaiidaystaan fusadan dahabiga ah ee dhinaca waxbarashada tacliinta sare.