19/01/2023
W/Q Yusuf Dhoola Yare.
الحمدلله على كل حال
Warbixin kooban, xaaladayda Caafimaad.
"""""""""" """""" """ """""" """ """"" """ """ "" """ """
14-01-2023 Waxaa laygu sameeyey Qaliin kaasoo noociisu yahay " Surgical Urinary bladder traumatic and urethra" qaliinkaan waxaa ka horeeyey qaliin kale oo aan kusoo maray Muqdisho 2021 dii Cusbitaalka Shaafi, balse sida ay cadeeyeen dhakhaatiirtu ma aheyn qaliin sax ahaa ama lagu guulaystay balse waxay ii geysteen dhaawac ka daran midkii aan qabay oo halis badan, waxaa gabi ahaanba dhaawac culus ay u geysteen bladder-ka sidoo kalena waxaa xiran tuubada urethra-ha iyo xidido kale oo soo gala kaadi haysta, Waxaa infection daran ayaguna dareemaya kalida righta-ka iyo Prostate-ka raganimada.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inaan u baahanahay laba qaliin mid in Dalka lagu sameynkaro, midka kalena inaan Dalka waxba lagaga qaban karin gabi ahaanba. xaaladayduna tahay mid aad u daran, laakiin hada ay ii sameeyeen in kaadi haysta gumaarka looga dhaco oo catheter la sudho, sidaasna kaadida kalyaha ku laabanaysa ay halis galin karto inay gabi ahaanba kalyuhu joojiyaan shaqada. waxayna ku taliyeen in si deg deg ah Hindiya la iigu qaado, balse awooda iyo tabarta qoyska oo xadidan iyo dhaqaale aan horay ugu sii tabaabushaystay midna ma haysan, waxaan codsanayaa cid kasta oo xaaladayda Caafimaad igu taageeri karta inay garab istaag ii muujiso!!
Dhaqaalaha lagu qiyaasay inuu ku baxayo qaliinkan waa lacag dhan $8000 oo aysan ku jirin Visaha iyo baxnaada kale ee caafimaad.
Mudada visaha lagu helayo oo ayaduna mid Emergency ah ayaa u baahatay laaluush in wadooyin badan oo adag loo maro dhaqaalo farabadana ku baxayo, qiyaastii lacag dhan $5000, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in shan bari gudahood laygu geeyo hindiya balse Visaha Hindiya ayaa qaadanaysa wax ka badan 15 bari mana aha mid aan sugi karo!
Cid kasta oo naga caawin karta in waqtiga lasoo gaabiyo waan u baahanahay!
La xidhiidha fadlan gudida hawsha gacanta ku haysa oo wata nambarada kala ah: 7787496-- 7705820 --7741232-- 7787427--7759505...0612760033.
Ugu dambeyn ducada iyo faataxada igu soo kaba.
Waad mahadsantihiin🙏
Yusuf Dhoolayare Wuxu ka mid yahay Ardayda ka qalinjebisay Jamacada Bada cas.