20/08/2026
๐จ๐ด๐ฎ๐ป๐ฑ๐ฎ, ๐๐ฎ๐บ๐ฝ๐ฎ๐น๐ฎ: ๐๐ผ๐ฟ๐บ๐๐๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐๐น๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ถ๐น๐บ๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ผ๐บ๐ฝ๐๐๐ฒ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ง๐ถ๐ธ๐ป๐ผ๐ผ๐น๐ฎ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ JBA ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐ค๐ฎ๐๐ฏ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐ง๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ ๐จ๐ด๐ฎ๐ป๐ฑ๐ฎ
โโโโโโ
Hormuudka Kulliyadda Cilmiga Computerka iyo Tiknoolajiyadda ee JBA ๐๐ฃ๐. ๐ผ๐ญ๐ข๐๐ ๐
๐๐๐ข๐๐ ๐พ๐๐๐จ๐, ayaa ka qaybgalay tababar caalami ah oo lagu qabtay dalka Uganda, kaas oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahanno, khubaro iyo wakiillo ka kala socday dalal iyo hayโado kala duwan.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira Tiknoolajiyadda, Isgaarsiinta, Shabakadaha, Waxbarashada casriga ah iyo adeegyada dhijitaalka ah, iyadoo ka-qaybgalayaashu ay heleen fursad ay ku bartaan habab iyo xalal cusub oo lagu horumarin karo adeegyada tiknoolajiyadda iyo waxbarashada sare.
Tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Kulliyadda Cilmiga Tiknoolajiyadda iyo Computerka ee lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta, lana jaanqaadayo horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda caalamka.
Intii uu tababarku socday, Hormuudku wuxuu sidoo kale fursad u helay inuu la kulmo aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday dalal kala duwan, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, is-weydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo horumarinta waxbarashada tiknoolajiyadda ku dhisan.