16/05/2026
Madax ka socotay Jaamacadda Bariga Afrika ayaa booqasho ku tagay iskuulka sare Abdullahi Ibrahim ee Degmada Ufayn, iyagoo ardayda iskuulka u qabtay Tababar iyo wacyigelin ku saabsan qaabka ay u dooran lahaayeen Takhasuskooda Jaamacadda, waxaana ka Faaidaystay 50 Arday.
Agaasimaha City Campus-ka Jaamacadda Bariga Afrika Mr. Cabdullaahi Xasan Warsame ayaa Teamka Hormuud u ahaa waxaana ku weheliyey Mr. Saciid Maxamuud Ducaale oo kamida Barayaasha Jaamacadda.