24/01/2026
Bosaso – Sabti , 24 Jan 2026
Iyadoo lagu dadaalayo xoojinta iskaashiga, midnimada iyo wada shaqeynta ururrada ardayda jaamacadaha, waxa maanta booqasho sharafeed ku yimid magaalada Bosaso Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaso – Faraca Garoowe, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud Shiine Baliilh
Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay hoggaanka ardayda jaamacadaha kala duwan ee magaalada Bosaso, kuwaas oo kala ah:
• Mudane Mustafa Bashiir Isma'il, Guddoomiyaha Guud ee Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika (JBA),
• Mudane Abdirizak Mohamoud Qaadi, Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Badda Cas,
• Mudane Najiib Jamma, Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Bosaso.
Intii ay booqashadu socotay, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud (Shiine Baliil), oo ay wehliyaan dhammaan madaxda ururrada ardayda, ayaa booqasho ku sameeyay Jaamacadda Bariga Afrika, gaar ahaan xafiisyada Bu Mary, halkaas oo si rasmi ah uu ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guud ee Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika (JBA), Mudane Mustafe Bashir Ismaaciil.
Intii ay kulammadu socdeen, waxaa la yeeshay kulan miro-dhal ah oo u dhexeeyay hoggaanka ururrada ardayda, kaas oo diiradda lagu saaray:
• Xoojinta xiriirka wada-shaqayneed,
• Midnimada ururrada ardayda,
• Qorsheynta hawlo wadajir ah oo lagu horumarinayo danaha ardayda jaamacadaha.
Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isla qaateen in la adkeeyo iskaashiga iyo wada shaqeynta, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ardayda jaamacadaha ah.
Guddoomiyaha Guud ee Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika (JBA), Mudane Mustafe Bashir Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaso – Faraca Garoowe, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud (Shiine Baliil) iyo dhammaan madaxda kale booqashadooda qiimaha leh, isagoo xusay muhiimada ay leedahay wada shaqeyn joogto ah.
DHAMMAAD