13/05/2026
Agaasime ku-xigeenka Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda Xaruntiisa Burco, Mustafe S. Bashe, ayaa ka qayb galay munaasibad lagu qabtay SMART School oo lagu xusayay maalinta qaran ee 18-ka May, laguna dhiirrigelinayay ardaydii guulaha wanaagsan ka gaadhay waxbarashada iyo imtixaannada.
Agaasime ku-xigeenka ayaa ardayda ku booriyay qiimaha waxbarashada, doorka dhalinyarada iyo muhiimadda dhiirrigelinta ardayda dadaalka badan. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay muhiimadda ay 18-ka May u leedahay shacabka Somaliland iyo kaalinta dhalinyaradu ku leeyihiin horumarka qaranka.
Intii ay munaasibaddu socotay, Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda ayaa deeq waxbarasho oo dhamaystiran guddoonsiiyay ardaygii ugu sarreeyay imtixaannada
Ugu dambayn, maamulka SMART School ayaa Mac’hadka ku amaanay dadaaladda wax barasho ee ay Gobolka ka wadaan.