31/12/2015
Aafooyinka Qaadka
Waa maxay Qaadku?
Maxaa kamida Aafooyinka uu keeno?
Qaadku waa nooc kamid ah maandooriyayaasha (drugs) loogu isticmaalka badanyahay waddankeena kaas oo inbadan oo bulshadeena kamid ah aanay fahansanyn dhibta uu keeni karo ama sida fudud ee uu ugalaafan karo nolosha bulshadeena hadaba waxaan doonayaa intii suuro gal ah inaan maqaalkan kaga hadlo waxyeelooyinka Qaadka.
Hadaan kuhoreeyo sida uu nolosha bulshadeena wax uga badalay Qaadku waxa kamida in uu meesha kasaaray dhaqankii, diintii iyo damiirkii uu qofku kuxishoon jiray waxa kaloo uu burburiyay dhaqaalihii bulshada yadoo maalinkasta dalka laga dhoofiyo lacag malaayiin dollar ah taas oo laynoogu soobadalayo shay nafteena iyo horumarkeenaba baabiinaya.
Qaadku waa mid ka mid ah waxyaabaha khakhaliya maskaxda (psychotic disorders) kuwaas oo sababa xanuunka waalida, haayada caafimaadka aduunka (WHO) ayaa cilmi baadhis ay kasamaysay magaalada hargaysa oo ay kusamaysay dadka qaba xanuunka waalida ayaa lagu ogaaday in 83% dadka qaba cudurka waalida ay ahaan jireen isticmaalayaasha qaadka.
Hadaba hadaan toos udhexgalo dhibaatooyinka uusababo qaadku waxaynu ukala qaadaynaa xanuuno laba qaybood:-
1: xanuunada markiiba qofka kudhaca ( rapid mental disorders)
2: xanuunada khatarta badan ee uu sababo ( severe mental disorders)
1:Xanuunada dadka qaadka cuna aan laga waayin ee markiiba kudhaca marka qofku qaadka bilaabo waxa kamida:-
Alertness(mushaki): waxa weeye qofku inuu noqdo qof marwalba dareenkiisu kacsanyahay oo qoonsimaad badan.
Aggressiveness(cadho badan): waa inuu qofku noqdo mid aad udulqaad yar oo markiiba cadhooda ama marmarka qaar aan kala garanayn inuu saxan yahay iyo inuu khaldanyahay
Blood pressure(dhiikarka): waxa sidoo kale aan qofka qaadka cuna aan lagaba waayi Karin khalkhal xaga dhiiga ah waxa ay soomaalidu utaqaan DHIIKARKA
Paranoia(khaakhaayiraad): sidoo kale waxa uu qofku yeeshaa khaakhaayiraad yadoo ay kuxidhantahay xadiga qaadka ah ee uu cuno iyo waliba wakhtiyada uu cuno
Insomnia(hurdo yari): qofku wuxu yeeshaa sidoo kale hurdo yari farabadan
2: xanuunada khatar ah ee kudhaca dadka qaadka cunana waxa kamida:-
MIGRAINE: waa madax xanuun aad uculus oo sababa araga qofku inuu daciifo
BLEEDING IN THE BRAIN: waa mid kamida xanuunada ugu khatarsan ee qaadku sababo waana in qofka maskaxda dhiig kaga furmo
HEART ATTACK: waa yadoo si lama filaana wadnaha qofku ujoojiyo shaqada waxa aynu unaqaan WADNE ISTAAG
CHANGE IN S*X DRIVE: waa yadoo qofku tahli waayo ama ay yaraato kayqab qaadashadiisa taranka jinsiga
Dadka uu mamnooca kayahay cunitaankiisuna waxa kamida:-
PREGNANCY AND BREAST FEEDING MOTHER: hooyada uurka leh iyo ta jaqsiinaysa ilamaha waa ka mamnooc cunitaankiisu sababtu waxa weeye in suntiisu ugudbayso ilmaha
DIABETES: yagana waxaan loo ogolayn dadka MACAANKA qaba waayo qaadku wuxu yareeyaa amateetka (less appetite) qofka macaanka qabaana kuma noolaan karo xaaladaa
HIGH BLOOD PRESSURE: qaadku wuxu kordhiyaa garaac wadnaha taasna waxay khatar galinaysaa qofkii awalba garaaciisu sareeyay.
Qalinkii: A/rahman Mohamoud Elmi ( BROVO)