Daha International University Buhodle Campus

Daha International University Buhodle Campus Daha International university
Buuhodle Compus
(DIU)

Asalaamu calaykum dhammaantiin.----------------------------------------------------------------Galabnimadii Taaladadda a...
06/11/2025

Asalaamu calaykum dhammaantiin.
----------------------------------------------------------------
Galabnimadii Taaladadda ahayd oo ay taariikhdu ku beegnayd 04/11/2025 waxa ay jaamacadda Caalamiga ah ee Dhaaha faraceeda Buuhoodle u qabatay qayb kamid ah ardayda cusub ee jaamacadda ku soo biirtay sannad-dugsiyeedka 2025-2026 munaasabad soo dhawayn ah, sidoo kale jaamacaddu waxa ay ardayda u samaysay jihayn iyo tusaalayn intaba. Jaamacaddu waxa ay ardaydaasi u rajaynaysaa in ay safarkooda waxbarasho ku dhammaystaan si guul ah.

Waxaa soo gebageboobay difaacashada buugga qalinjebinta ee ardayda jaamacadda, gaar ahaan kulliyadda Culuumta Kaambiyuut...
09/09/2025

Waxaa soo gebageboobay difaacashada buugga qalinjebinta ee ardayda jaamacadda, gaar ahaan kulliyadda Culuumta Kaambiyuutarka qaybta Information Technology, oo ay dafcaddii labaad ee ka baxda kulliyadda, ay ku difaacanaysay buuggooda qalinjebinta. Ardaydan oo ahaa dafcaddii labaad ee ka baxda kulliyddan ee Jaamacadda. Waxaa sidoo kale buugtooda difaacday ardayda kulliyada shareeca iyo qaanuunka oo noqonaya dafcaddii saddexaad ee ka baxda Jaamacadda.

Dhammaan ardayda buugta difaacatay waxa aanu u rejaynaynaa mustaqbal waxbarasho iyo mid nololeed oo qurux badan.

Jaamacadda Caalamiga ah ee DAAHA Faraceeda BuuhoodleCaawa oo Taaladda  ah taariikhduna ay ku beegantahay 17-kii Juun, 20...
16/06/2025

Jaamacadda Caalamiga ah ee DAAHA Faraceeda Buuhoodle

Caawa oo Taaladda ah taariikhduna ay ku beegantahay 17-kii Juun, 2025, waxaa si guul leh inoogu soo dhammaaday imtixaankii ugu dambeeyay ee simistarka labaad ee sannad-waxbarasheedka 2024-2025.

Dhammaan ardayda waxa aanu u rajaynaynnaa guul iyo horumar wanaagsan.

13/06/2025

Kulankii Soodhawaynta ahaa Ee ay Jaamacaddu Usamaysay Dr. sheikh Ali Sheikh Mohmed.

12/06/2025

Kulankii โ€œFanka Wax-isbariddaโ€

Dr. Cali Shiikh Maxamed oo ka mid ah madaxda jaamacadda Badda Cas (Red Sea University) oo safar ku yimid degaanka ayay m...
04/06/2025

Dr. Cali Shiikh Maxamed oo ka mid ah madaxda jaamacadda Badda Cas (Red Sea University) oo safar ku yimid degaanka ayay maamulka jaamacaddu ku soo dhaweeyeen jaamacadda. Waxa uu kelmad baraarujin iyo dardaaran ah la wadaagay ardayda jaamacadda.

Isbeddelka Hoggaanka Jaamacadda-------------------------------------Iyada oo laga duulayo horumarka iyo geeddisocodka wa...
03/06/2025

Isbeddelka Hoggaanka Jaamacadda
-------------------------------------

Iyada oo laga duulayo horumarka iyo geeddisocodka waxbarasheed ee jaamacadda waxaa wax ka beddel lagu sameeyay golayaasha jaamacadda Caalamiga ah ee Daaha, faraceeda Buuhoodle, sida Golaha Sare (boodhka) iyo Golaha Fulinta ee jaamacadda.

Waxaa wax laga beddelay oo la kordhiyay Golaha Boodhka ee jaamacadda, iyada oo lagu daray xubno cusub isla mar ahaantaana laga dhigay in ay noqdaan xubnaha Golaha Boodhka ee jaamacaddu kow iyo toban xubnood. Waxaa sidoo kale la doortay guddoomiye iyo kuxigeen; iyada oo Dr Cabdicasiis Cali Maxamuud loo doortay guddoomiyaha Golaha, halka ustaad Iido Cumar Maxamed loo doortay. guddoomiye kuxigeenka Golaha.

Waxaa si la mid ah wax laga beddelay Golaha Fulinta ee jaamacadda iyada oo ay Golaha Boodhku u doorteen guddoomiyaha jaamacadda Cumar Cabdi Ibraahim, oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Boodhka ee jaamacadda.

Dhammaan golayaasha jaamacadda iyo bahda ardayda ba waxa aan u rejaynaynaa horumar ballaadhan.

Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 01-06-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan ust...
31/05/2025

Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 01-06-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan ustaad Cabdikariim Maxye. Ciwaanka mowduucu waa: Fanka Wax-isbaridda.

Goobtu waa: Hoolka Jaamacadda
Waqtiguna: 7:00 PM.

FG: barnaamijku waa mid furan oo ay cid walba ka faa'iidaysan karto.

Ka faa'iidaysi wanaagsan.

Habeennimadii Talaadada oo ay taariikhdu ahayd 6 May 2025,  waxaa xarunta jaamacadda ku sooxidhmay tababar uu ciwaankiis...
07/05/2025

Habeennimadii Talaadada oo ay taariikhdu ahayd 6 May 2025, waxaa xarunta jaamacadda ku sooxidhmay tababar uu ciwaankiisu ahaa 'Qurxinta iyo tasxiixinta Farta Carabiga' kaas oo uu bixinayay ustaad Cabdirashiid Cabdillaahi. Intii uu socday tababarku waxaa ka faa'idaystay ardayda kooban oo nasiib u yeeshay fursaddaa in ay helaan.
Ustaadka tababarka bixiyay iyo ardayda ka faa'idaystay waa uga mahadcelinayaan maamulka jaamaacaddu.

๐–๐š๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก!Dhammaan ardeyda qalinjabiyaasha ee ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก  ๐ƒ๐€๐‡๐€ waxaa lagu wargalinayaa inay iska h...
17/03/2025

๐–๐š๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก!

Dhammaan ardeyda qalinjabiyaasha ee ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ƒ๐€๐‡๐€ waxaa lagu wargalinayaa inay iska hubiyaan ๐‡๐„๐Œ๐ˆ๐’ ๐ˆ๐ƒ-๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐๐š ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ข๐ ๐š๐ง https://hemis.diu.edu.so ๐….๐† Haddii aad ka weyso Xogtaada ๐‡๐„๐Œ๐ˆ๐’-๐Š๐€ Fadlan degdeg u la xiriir kulliyadaada ugu danbeyn ๐Ÿ๐ŸŽ-๐ค๐š ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ง ๐Œ๐š๐ซ๐œ๐ก ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ Mahadsanidiin.

Fadlan xogtada ku baar (๐ˆ๐ƒ ๐๐ฎ๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐ค๐š๐š๐ ๐š, ๐๐ฎ๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐ค๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐š๐๐š ๐š๐ฆ๐š ๐ˆ๐ƒ ๐๐ฎ๐ฆ๐›๐ž๐ซ-๐ค๐š๐š๐ ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐ˆ๐”๐ŸŽ๐ŸŽ.

Sida aan horay ogaysiiska ugu bixinay caawa waxaa inoo qabsoomi doona kulankii uu inoogu casuunnaa ustaad caaqil Cabdira...
02/02/2025

Sida aan horay ogaysiiska ugu bixinay caawa waxaa inoo qabsoomi doona kulankii uu inoogu casuunnaa ustaad caaqil Cabdiraxmaan Mursal . Mawduuca uu ina la wadaagidoono ustaadku waa;
ูู† ุงู„ูƒุชุงุจุฉ ูˆุงู„ุชุนุจูŠุฑ
Halkan ayaad kasoo gali Doontaan.

https://meet.google.com/psn-wbxp-wuy

Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 3-02-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan usta...
01/02/2025

Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 3-02-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan ustaad Caaqil Cabdiraxmaan Mursal. Ciwaanka mowduucu waa: ูู† ุงู„ูƒุชุงุจุฉ ูˆุงู„ุชุนุจูŠุฑ.

Goobtu waa: Zoom
Waqtiguna: 7:00 PM.

FG: barnaamijku waa mid furan oo ay cid walba ka faa'iidaysan karto.

Ka faa'iidaysi wanaagsan.

Address

Buuhoodle
252

Opening Hours

Monday 00:00 - 00:00
Tuesday 00:00 - 00:00
Wednesday 00:00 - 00:00
Friday 00:00 - 00:00
Sunday 00:00 - 00:00

Telephone

+252636008180

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daha International University Buhodle Campus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Daha International University Buhodle Campus:

Share