26/09/2024
Madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa ka tacsiyay Geeridii kutimid sheekhena sheekh muxamed sheekh c/llaahi sheekh ibraahim
MADAXWEYNAHA JFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH MAXAMED SHEEKH CABDULLAAHI SHEEKH IBRAAHIM BAARDHEERE
Muqdisho, Soomaaliya, September 26, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, culimaaโudiinka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere.
โInnaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed. Wuxuu ahaa caalim qiimo badan oo door weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed."
Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka marxuumka, culimaaโudiinka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD