16/08/2026
OGEYSIIS MUHIIM AH
Ururka Ardayda JBA-GAROWEwuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan ardayda Jaamacadda Bariga Africa – Garowe in uu qabanayo Tababar Aqoon-Kororsi ah oo cinwaankiisu yahay:
“DOORKA ARDEYDA JAAMACADAHA AY KU LEEYIHIIN BULSHADA”
Tababarka waxaa bixinaya Dr. Suldaan Mahamed Suldaan Garyare, waxaana diiradda lagu saari doonaa fahamka doorka ardaydu ku leeyihiin horumarinta bulshada, hoggaaminta, ka-qaybgalka bulshada iyo sidii aqoonta jaamacadeed loogu adeegsan lahaa bulshada.
📅 Taariikh: 18 Agoosto 2026
🕰️ Waqtiga: Bacdal Makhrib
📍 Goobta: EAU-Garowe
EAU-Garowe Student's Development Org. wuxuu ku dhiirrigelinayaa dhammaan ardayda inay si wanaagsan uga soo qaybgalaan tababarkan muhiimka ah, kana faa’iideystaan fursaddan aqoon-kororsiga ah.
“Ardayga maanta waa hoggaamiyaha bulshada berri.”