Abwaan abdisamad jablibax

Abwaan abdisamad jablibax Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abwaan abdisamad jablibax, College & University, Garoowe.

05/09/2023
waxad doonaysadondoonaysadaariq aad martedaw aan la marin walal dalaq ha odhaniinedurduraada biyuhuu yay ku qaadinejidh ...
04/06/2022

waxad doonaysa
dondoonaysa
daariq aad marte
daw aan la marin
walal dalaq ha odhaniine
durduraada biyuhuu yay ku qaadine
jidh dubaaxsha iyo
ana diir naxayee
deeqay kalay ila deris

by abdisamad

humamaga naftani hawaawiyaysayhadhka muuqda heblay mada
03/06/2022

humamaga naftani
hawaawiyaysay
hadhka muuqda
heblay mada

Dood miidhan. Khudbadii jimcaha wadaadku uu akhriyay."Dad dhoohan iyo ku dul sheegistii dood miidhan"Anigoo iska barqeys...
03/06/2022

Dood miidhan.
Khudbadii jimcaha wadaadku uu akhriyay.
"Dad dhoohan iyo ku dul sheegistii dood miidhan"

Anigoo iska barqeystoo , hurdadii miistay ayaan haleelay noloshii , joogsi , ismaja xaabis , iyo isdiyaarin kadib waxaan haleelay masaajidka oo aan islahaay bal kasoo hel tamar oo allihii ku abuurtay gurigiisa haleel.

Maalintu waa jimco , salaada ka hor bahal khudbo la yidhaahda ka h**eyso lagu yara akhirinaayo af qalaad , se bulshada inta kutubta dhaga-dhageyso ayuunbaa fahmayso oo wadaadka la yara miisto , mise kuwa kale dhafooradey heystaan , faham iyo khushuuc midna k**a ahan ee hurdey iska yara celinayaan , inta kale waaba iska yara caruur masjidka oo ciyaarta ayey ku fooganyihiin , xaaladahoo beriga dhexe maraayo , wadaadku ha furfurto , salaan kadib , mahad celin eebe kadib , ciwaankiisu bilaabay mise waaba dood miidhan , oo dadkii baan eegay inta fahmaysa yar , inta kale indho caseysi ayeyba galeen , caruurtiina ciyaar , bal waan isku diyaariyay , doodii wadaadku bilaabay iyo intaan ka akhriyay doodaas ayaan hadba is dhinac dhigaa.

Dooda wadaadku waxay ka duuleysaa "Naqdinta/diidanaanta Dastuurka" , waa dood weyn ammin/waqti h**e soo bilaabatay , wadaadku wuxuu leeyahay , Umada islaamka dhan , bilowgeedii , danbeytadeydii , qorax soo bax ilaa iyo qorax dhac waxay leeyihiin Hal dastuur kaaso ah kitaabka qur'aanka iyo sunada Nabigeena NNKH , Intaas waan ku raacsanahay balse waxaan kaga fakar duwanahay , iyadoo kitaabka la heysto ayaa dastuur la sameysan karaa , kaaso saldhigiisu yahay kitaabka iyo sunada , sida dowladaha islaamko dhan ay ka simanyihiin.

Wadaadka waxaan kaga duwanahay in ummada islaamka oo dhan aysan aheyn hal qowmiyad/qabiil , balse aynu nahay kuwa qabiil ahaan , caadooyin ,deegaan ahaan , qaab siyaasadeed , afaf ahaan , xeerar ahaan/xeer hoosaad ,fan ahaan kala duwan.

Kala jaadkaas ayaa keenaya inaan kitaab ka sinaano balse dastuur ku kala duwnaano.

Wadaadku wuxuu ka dhawaajiyay in islaamka lagu soo duulay , oo loo keenay wax xun oo ah dimuquraadiyad ,balse wadaadku wuxuu qodobkaas ku daray inay tahay "ilaahay diid" amakaag ayaa iga sooharay in dimuquraadiyadii sidaas loo dhigay , oo wadaadku xaguu kasoo meersaday sadaradaas ileen waaba adigii akhriyay kuwii ay qoreen galbeedkee , markaas baan is idhi "Dimiquraadiyadu sow ma aheyn hanaan siyaasadeed , kasoo af bilaabatay umadihii giriiga , islaamka horaantiisa sow doodeedu lama furin , sow ma aheyn Democracy in awooda shacaba lagu celiyo , oo labo waaweyn aheyd , mid toos ah , iyo mid matalaad/baarlamaan ah" bal xaguu ka keenay wadaadku inay tahay mid diiday ilaahey? Se dadkii ayaan eegay mise waaba kuwa dhafoorada iska heysto fakaraya iyo kuwa cayaaraya.

Salaaddii kadib ayaan wadaadkii bariidsaday , is warsanay ,oo aan isago meel iska fadhiyo dul tagay , isbaranay , waxaan kula taliyay, in khudbada jimcaha lagu akhriyo afsoomaali si dadku u fahmaan , Markaasu i yidhi " wey banaantahay balse dadkaa carabiga rabo" bal waxaa dhahay "sheikhow bal carabiga kadib afkeena raacsii , isaga nooleyn iyo wacyi rabe".

Bal wax ku darso , oo ila wadaag khudbaddii jimcaha , iyo doodii ay xanbaarsaneyd.

.

W/Q: Mohamed Da'ud Cabqari

09/02/2022

Dadku kala wanaagsane
Dabeecadodu kala wacan
Misna muqaa guud iyo
Duusha wa ka simaanyahay

Dulmi ruuxi doonana
Dadku way nacanno
Dacaadnimu ku faana
Faido see umale

Daranduri seefti
Degta kala egtan
Dawadeda
Doonta
Qalbi damay
See daawo loo waa

Dadka kad is baratan
Dushasad ka gara
Dulmi doon inu yahay
Mase dacad ku yahay
Qalbigu hadu dalolona
Dabibtisu waxay tahay
Tii u jante jinigisu raaca

Mar hadu hababona
Hadalkisa daawo
Dambu si yirahda
Ana digashadeda labtayda
Dooxdo
Dahaboy la.aanta
Qalbigi ii degi waa

08/02/2022

Sanaag waa gobol qurux ilahay ku manaystay wa gobol xeebo badan leh deegan ahan baladhan cimiladisu wa qabow wana gobol beero leh biyo leh oo dalxiska ku fican wuxuna ka mid yahay gobolada soomaliya kuwa ugu qabow wana gobol khayrad badan xaaga .macdanta xijiga maydiga beyada iyo biyo durdur ah sida mishisho gudmo biyo cas bixin hareed iyo weliba kuwo kale oo badan

Address

Garoowe

Telephone

+252634067393

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan abdisamad jablibax posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Abwaan abdisamad jablibax:

Share