Guddoonka ururka ardayda ee kulliyadda shareecada

Guddoonka ururka ardayda ee kulliyadda shareecada Bogga rasmiga ah ee guddoonka ururka ardayda ee kulliyadda shareecada JBA-GAROWE.

18ka May, 2026: Guddoomiyaha Ururka Ardayda ee Kulliyadda Shareecada JBA Garowe ayaa sameeyey wareegto magacaabis ah.Gud...
18/05/2026

18ka May, 2026: Guddoomiyaha Ururka Ardayda ee Kulliyadda Shareecada JBA Garowe ayaa sameeyey wareegto magacaabis ah.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda ee Kulliyadda Shareecada ee East Africa University-Garowe Mudane Nuur Hassan Daahir, isagoo ka duulaya waajibaadka shaqo ee Ururka, waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubnaha Guddoonka Ururka Ardayda ee Kulliyadda Shareecada, isaga oo u cuskaday Qodobka 13aad, faqradiisa 2aad, ee xeerka Ururka Ardayda Ee Kulliyadda Shareecada.

Magacaabistu waxay u dhacaysaa sidan hoos ku xusan:

I. Guddoonka Sare ee Ururka:
1. Badriyo Abdiladiif Muuse – Guddoomiye Ku-xigeenka Kulliyadda
2. Cabdiraxman Raage Cabdullahi – Xoghayaha Guud ee Kulliyadda

II. Agaasimayaasha Waaxyaha:
1. Axmed Cabdi Mire – Agaasimaha Waaxda Dacwada
2. Muscab Abdirashiid Maxamed– Agaasimaha Waaxda Aqoon-kaab
3. Cabdiwahaab Axmed Aadam – Agaasimaha Waaxda Warfaafinta
4. Cabdishakuur Muuse siciid – Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha & Is-dhexgalka
5. Samsam cabdrisaaq cabdullahi – Agaasimaha Waaxda Maaliyadda
6. Caaisho Maxamud Cabaas– Agaasimaha Waaxda Qorshaynta

II. Xubnaha Waaxyaha:
A) Waaxda Dacwada:
1. Maxamed Cabdullahi Axmed – Ku-xigeenka Waaxda Dacwada
2. Cabdimajiid Barre Yusuf– Xubin
3. Bishaaro khaliif siciid– Xubin

B) Waaxda Aqoon-kaab:
1Maymuun Cabdinasir cabdiqadir – Ku-xigeenka Waaxda
2. Suhuur siciid Adam– Xubin
3. Sudeysi maxamed Nuux – Xubin

C) Waaxda Ciyaaraha iyo Is-dhexgalka:
1. Cabdiraxman Maxamed ciise– Ku-xigeenka
2.Xamze Axmed xasan – Xubin

---DHAMMAAD----
Nuur hassan Daahir Nuur
Guddoomiyaha Ururka Ardayda Ee Kulliyadda Shareecada JBA-GAROWE.

WAR SAXAAFADEEDXalay oo ay taariikhdu ahayd 16 May 2026, waxaa si heer sare ah uga qabsoontay kulliyadda munaasabad ball...
17/05/2026

WAR SAXAAFADEED

Xalay oo ay taariikhdu ahayd 16 May 2026, waxaa si heer sare ah uga qabsoontay kulliyadda munaasabad ballaaran oo isugu jirtay xilwareejinta Guddonkii 7aad iyo soo dhaweynta Guddoonka 8aad ee Kulliyadda.

Munaasabadda ayaa ku dhacday jawi sharaf, midnimo iyo isxilqaan leh, iyadoo si rasmi ah xilka loogu wareejiyey Guddoonka 8aad si ay u sii ambaqaadaan hoggaaminta iyo horumarinta howlaha kulliyadda.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu maamuusay xubnihii Guddonkii 7aad oo lagu guddoonsiiyey shahaadooyin sharaf iyo mahadcelin, taas oo lagu abaalmarinayey dadaalkii, hufnaantii iyo waxqabadkii ay muujiyeen muddadii ay xilka hayeen.
Dhanka kale, ardaydii ku guuleysatay tartankii aqooneed ee kulliyadda ayaa la guddoonsiiyey abaalmarino iyo hadiyado dhiirrigelin ah, si loo xoojiyo tartanka aqoonta, hal-abuurka iyo dadaalka ardayda.

Ugu dambeyn, maamulka iyo bahda kulliyadda waxay u rajeynayaan Guddoonka 8aad guul, tawfiiq iyo in ay sii xoojiyaan hormarka, wadajirka iyo adeegga ardayda kulliyadda.

12/05/2026

Kalmada hormuudka kuliyada shareecada .sheikh xamse siciid shire.

12/05/2026

:Ku dhawaaqista natiijadii doorashada gudoonka kuliyada shareecada East Africa University-Garowe.

Madaxa waaxda warfaafinta:Mohamett Ahmett Gashaan

Hambalyo mudane Nuur Hassan Daahir oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Kulliyadda Shareecadda JBA Garoowe.Tirada Guud E...
12/05/2026

Hambalyo mudane Nuur Hassan Daahir oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Kulliyadda Shareecadda JBA Garoowe.

Tirada Guud Ee codeysay waa 155 cod , 87 (56%) cod buu Helay mudane Nuur Hassan halka Mudane Abdullahi Abdirashiid uu Helay 64 cod (41%) waxaana xumaaday 4 cod (3%)

Waxaan kuu rajaynayaa hoggaan hufan, caddaalad, iyo guul aad ku horumariso kulliyadda iyo ardaydeeda.

Dardaarankaygu waa inaad xilka u aragto masuuliyad iyo adeeg bulsho, adigoo ilaalinaya midnimada, aqoonta, iyo akhlaaqda wanaagsan. Alle ha kuu fududeeyo hawsha laguu igmaday, hana kaa dhigo hoggaan lagu daydo.

Sidoo kale waxaan Leenahy Murashaxii kalena Hambalyo wad dadaashay Inshallah Meelo kale oo ka wangsan baan Kuu rajeyanynaaa

Dhamaad

Guddoomiyihii H**e Ee kulliyadda Abdullah Ahmed Dirie

Hambalyo Waxaan hambalyo udiraynaa ardayda Top10ka jaamacdda East Africa University-Garowe  kal waxbarashededkii h**e ee...
06/05/2026

Hambalyo
Waxaan hambalyo udiraynaa ardayda Top10ka jaamacdda East Africa University-Garowe kal waxbarashededkii h**e ee sanad dugsiyeedka 2025/2026

Gaar ahaan Ardayda Abdimalik Maxamed shirre oo kamid ah Ardayda kulliyadda shareecadda sanadka 1aas kaasoo kaalinta 2aad ugalay guud ahaaan jaamacdda
Hambalyo hambalyo

02/05/2026

TAARIIKH BAA QORMATAY
Hambalyo farxad leh ayaan u dirayaa dhammaan bahda Kulliyadda Shareecadda guusha taariikhiga ah ee aan ku hanannay Cup-keennnii ugu horreeyay abid.
Waa guul muujinaysa dadaal, isku duubni iyo kalsooni, inkastoo nalaga shakin jiray. Maanta waxaan caddeynay in karti iyo adkaysi wax walba lagu gaari karo. Guushu waa mid innaga wada dhaxaysa.
CHAMPIONS OF EAU 2026

29/04/2026




Mohamett Ahmett Gashaan

War Saxaafadeed 29/04/2026:Kulliyadda Shareecadda ee East Africa University-Garowe ayaa martigelisay wajiga labaad ee ta...
29/04/2026

War Saxaafadeed

29/04/2026:Kulliyadda Shareecadda ee East Africa University-Garowe ayaa martigelisay wajiga labaad ee tartan aqooneed xiiso leh oo uu soo qabanqaabiyay Guddoonka ururka ardayda ee kulliyadda shareecada oo uu hogaaminayo guddomiyaha kuliyadda Abdullah Ahmed DirieTartankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo tartanka caafimaadka leh ee ardayda.

Wajigan labaad ee tartanka waxaa ku loollamay ardayda fasallada Year 3 iyo Year 2, kuwaas oo soo bandhigay aqoon iyo diyaar garow sare. Si kastaba ha ahaatee, guusha ayaa ku raacday kooxda Year 2, kuwaas oo si rasmi ah ugu gudbay final-ka tartanka.

Tartankan ayaa la filayaa inuu sii socdo, iyadoo final-ka uu noqon doono mid aad loo sugayo.

Dhamaad
Waaxda warfaafinta
Mohamett Ahmett Gashaan

Furitaanka cupka kulliyadaha jaamcadda Bariga Africa iyadoo lagu furay Kulliyadda shareecadda iyo kulliyadda Agriculterk...
23/04/2026

Furitaanka cupka kulliyadaha jaamcadda Bariga Africa iyadoo lagu furay Kulliyadda shareecadda iyo kulliyadda Agriculterka halkaas oo ay guushu ku raacday kulliyadda Facaweyn Ee shareecadda

Guul baan Rajeynaynaa Ilaa aan Cupka qaadno inshallah

Address

East Africa University-Garowe
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddoonka ururka ardayda ee kulliyadda shareecada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share