15/07/2026
๐๐๐๐๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐๐๐ฌ๐จ โ ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐ช๐ง๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ ๐๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐๐ฒ
Waxaa maanta magaalada Garoowe si diirran loogu soo dhoweeyay wafdigii Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe (UOB-G), oo muddooyinkii u dambeeyay safar shaqo ku joogay dalka Malaysia, halkaas oo ay ku soo qabteen kulamo iyo hawlo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee Jaamacadda.
Intii uu safarku socday, wafdigu waxay booqashooyin rasmi ah ku tageen jaamacado waaweyn oo ay ka mid yihiin International Islamic University Malaysia (IIUM), Universiti Kebangsaan Malaysia (UKM) iyo Universiti Teknologi MARA (UiTM). Waxay la yeesheen madaxda jaamacadahaas kulamo miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada, cilmi-baarista, is-dhaafsiga ardayda iyo macallimiinta, iyo kobcinta iskaashiga tacliimeed.
Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee safarkan ayaa ahaa saxiixa Heshiiska Is-afgaradka iyo Iskaashiga Wadajirka ah (MoU) ee u dhexeeya Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe iyo International Islamic University Malaysia (IIUM), kaas oo albaabka u furaya mashaariic iyo barnaamijyo wadajir ah oo la hirgelin doono mustaqbalka dhow.
Maamulka, Hawlwadeenada, iyo Ardayda Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga.
Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan jaamacadaha iyo hay'adaha taclinta sare ee dalka Malaysia sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga, waxayna rajaynaysaa in iskaashiyadan cusub ay horseedi doonaan horumar dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista ah.
University of Bosaso - Garowe
โBuilding Better Communityโ