University of Bosaso - Garowe Students Union

Call Directions Contact the university

University of Bosaso - Garowe Students Union Vision:
The Office of Student Life provides students with the opportunity to broaden their educational experiences and maximize their Education level.

MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA BOOSAASO–GAROOWEXAFIISKA MADAXWEYNAHATaariikh: 11 Oktoobar 2026Ujeeddo: Hambalyo iyo Bogaadin...
11/10/2026

MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA BOOSAASO–GAROOWE
XAFIISKA MADAXWEYNAHA

Taariikh: 11 Oktoobar 2026
Ujeeddo: Hambalyo iyo Bogaadin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Yacqoup Abdukadir Abdikhadar, iyo Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Ardayda, Marwo Adno Farah Mahad.

Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso–Garoowe, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cabdulkadir Maxamed-Deeq, isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda Dan-Arday iyo guud ahaan bahda Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso–Garoowe, waxa uu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Yacqoup Abdukadir Abdikhadar, iyo Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Ardayda, Marwo Adno Farah Mahad, oo Wasaaradda Caafimaadka Puntland guddoonsiisay shahaado sharaf ay ku mutaysteen kaalintii muuqata ee ay ka qaateen munaasabadda Maalinta Caafimaadka Maskaxda (Mental Health Day).

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u bogaadinayaa labada wasiir, kuwaas oo ka mid ahaa kooxda ka shaqaysay hirgelinta iyo diyaarinta munaasabaddaas muhiimka ah, taas oo door weyn ka qaadanaysa wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista fahamka caafimaadka maskaxda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka xun yahay maqnaanshaha Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Ardayda, Marwo Adno Farah Mahad, oo ka baaqatay goobtii shahaadooyinka lagu guddoonsiinayey xaalad caafimaad awgeed. Waxa uu Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah, caafimaad taam ah iyo soo kabasho wanaagsan.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu labada wasiir ku dhiirrigelinayaa inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda, hoggaamintooda iyo adeegga ay u hayaan ardayda iyo bulshada, isaga oo u rajaynaya guulo iyo horumar joogto ah.

Hambalyo, hambalyo, hambalyo!

Abdinasir Abdikhaliif Ahmed Elmi.
Afhayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso–Garoowe

29/09/2026

Garoowe, 29/09/2026

Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso-Garoowe, Mudane Mohamed Abdirashid Abdulqadir Mohamed-Deak, iyo qayb ka mid ah xubnaha labada gole ee Xukuumadda Dan-Arday ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika-Galkacyo, Mudane Abdiwali Ali Baceeye.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta labada Urur, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo horumarinta danaha ardayda.

Intii kulanku socday, labada dhinac waxay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo mustaqbalka ah, kuwaas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah.

Labada Urur waxay caddeeyeen inay ka go’an tahay sii wadidda xiriirka iyo iskaashiga dhow, iyadoo la qorsheynayo kulamo iyo hawlo wadajir ah oo mustaqbalka ah.

Afhayeenka Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso-Garoowe:
Mudane Abdinaasir Abdikhaliif Ahmed

ALLA-MAHADLEH.

25/09/2026

Madaxwaynaha Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso Garowe Mudane Mohamed Abdirashid Abdulqadir M.Deeq oo caawa qayb ka ahaa soo xiritanka Isbuuca Technology Jamacadda Bosaso Garowe

25/09/2026

Waxaa caawa soo xirmay week Technology oo Muddo 3 Bari ah socday Halkaas oo ay ardaydu kusoo bandhigeen Hal-abuuro iyo activities badan.

24/09/2026

BOOQASHO IYO KORMEER

Jaamacadda Boosaaso–Garoowe

Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Boosaaso–Garoowe, Mudane Mohamed Abdirashiid M. Deak, ayaa kormeer ku tagay ardayda Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Computer Science, halkaas oo ardaydu ku soo bandhigeen sida ay uga faa’iideysteen Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo aqoonta ay barteen.

Madaxweynuhu wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalkooda, aqoontooda iyo hal-abuurkooda, isla markaana ay aqoonta ay barteen ugu adeegaan bulshada.

Madaxweynaha Ururka Ardaydu wuxuu mar walba u taagan yahay horumarinta iyo hiilka ardayda.

UOBG FAMILY ❤️

21/09/2026

Kalmadii: Wasiirka Wasaaradda sportska iyo isdhexgalka Dhalinyarada ee Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso Garowe,
Mudane: Shaafici Mohamed Yusuf.

21/09/2026

Kalmadii: Wasiiradda Wasaaradda Arimaha Ardayda iyo qaban-qaabada,
Marwo: Adno Farah Mahad(Bulhan)

Oo iyaduna qayb wan ka ahayd olalihii nadaafadeed iyadoo u mahad-celisay Midowga Ardayda iyo Dowladda hoose oo qayb ka ahayd olalaha nadaafadeed.

21/09/2026

Kalmadii: Afhayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso-Garowe,
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed

oo isagoona ka hadlay Shaqadii ay ka qabteen Olalihii nadaafadeed ee campuska Caafimaadka iyo xafadaha ku hareeraysan.

21/09/2026

Kalmadii: Madaxwaynaha Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso Garowe, Mudane:Mohamed-Deeq Abdirashid Abdulqadir

Isagoo ka hadlay caqabadaha wadadu ay ledahay iyo waxay ubaahan tahay in laga Hormariyo.

  Olalihii Nadaaafadeed ee Xukuumaddu ka hawlgashay aaga Campuska Caafimaadka
21/09/2026

Olalihii Nadaaafadeed ee Xukuumaddu ka hawlgashay aaga Campuska Caafimaadka

Address

30 KM Street Road, Garowe-Puntland
Garowe

Telephone

+252906487143

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when University of Bosaso - Garowe Students Union posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to University of Bosaso - Garowe Students Union:

Shortcuts

Share