07/08/2026
๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐จ๐จ ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐/๐/๐๐๐๐
Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garoowe MAJB-G ayaa qabtay shir muhiim ah oo ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha Class-yada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku- dubaridka howlaha ardayda inta lagu jiro sanad-dugsiyeedka cusub.
Shirka waxaa furay Madaxweynaha Midowga Ardayda Mudane Maxameddeeq Abdirashid Abdiqadir. waxaana kuwehlisay Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Caasho Axmed Jaamac, iyo ustaad khayre oo ah ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ ๐๐๐๐ข๐๐๐ซ
jaamacada iyo ustaad Abdilaahi maroori oo ah ๐๐๐๐ง ๐จ๐ ๐๐ญ๐ฎ๐๐๐ง๐ญ๐ฌ Waxayna labada masuul adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, isgaarsiin hufan, iyo in si mideysan loogu shaqeeyo danta guud ee ardayda.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii Guddoomiyeyaasha Class-yadu iyo Midowga Ardaydu sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir joogta, iskaashi dhow oo u horseeda horumar, xalinta caqabadaha soo wajaha ardayda baahiyaha gaarkaa qaba, kuwa waxbatashada awoodi waaya, kor u qaadidda adeegyada iyo matalaadda ardayda.
Ugu dambayn Midowgu wuxuu boorinayaa dhiirananta gudoomiyaasha iyo sida ay ugu heelan yihin classyadooda.
dhammaan Gudoomiyaashu waxay muujiyeen diyaar-garow iyo ballanqaad ay ku wada shaqeynayaan, Gudoomiyasha, midowga iyo jaamacada si loo xaqiijiyo himilooyinka Midowga loona horumariyo jawiga waxbarasho ee jaamacadda.
Afhayeenka xukuunada dan-arday.
Mudane Abdinaasir Abdikhaliif Axmed.