Ururka Ardayda Jaamacadda ADMAS Puntland

Ururka Ardayda Jaamacadda ADMAS Puntland Page rasmiga ah ee naadiga ardayda jaamacadda ADMAS UNIVERSITY PUNTLAND

Hambalyo Qalinjebin ๐ŸŽ“Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas University Hon Yahye Abdirashiid Mahamed wuxuu hambalyo...
31/12/2025

Hambalyo Qalinjebin ๐ŸŽ“

Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas University Hon Yahye Abdirashiid Mahamed wuxuu hambalyo iyo bogaadin ballaaran u dirayaa dhammaan ardayda maanta ka Qalinjebinsay difcadii 6-aad (6th Convocation Ceremony).

Maanta waa maalin taariikhi ah oo miro u ah dadaalkii, adkaysigii iyo rajooyinkii aad soo hibeeyseen intii aad ku jirteen safarkina aqooneed. Waxaad astaan u tihiin jiil leh karti, aqoon iyo hoggaan mustaqbalka wax ka beddeli kara bulshada.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya, idinkoo aqoontiinna ugu adeegaya dalkiinna, dadkiinna iyo guud ahaan aadanaha.

๐ŸŽ‰ Hambalyo mar kale Qalinjebiyeyaal!๏ฟฝ๐ŸŽ“
Admas University โ€“ Hoyga Aqoonta & Horumarka
๏ฟฝ

๐ŸŽ“ Coming Soon | Qalin-jabinta Jaamacada ADMAS โ€“ Dufcadda 6aad ๐ŸŽ“Guul, dadaal iyo farxad ayaa soo dhow!๐Ÿ“… 31 December 2025 ...
17/12/2025

๐ŸŽ“ Coming Soon | Qalin-jabinta Jaamacada ADMAS โ€“ Dufcadda 6aad ๐ŸŽ“
Guul, dadaal iyo farxad ayaa soo dhow!
๐Ÿ“… 31 December 2025 | ๐Ÿ“ Martisoor Hotel โ€“ Garowe
๐ŸŽ“

Hambalyo iyo BogaadinUrurka Ardayda Jaamacadda Admas oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Hon ...
26/09/2025

Hambalyo iyo Bogaadin

Ururka Ardayda Jaamacadda Admas oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Hon Yahye Abdirashiid Mahamed iyo xubnaha kale ee ururku waxay uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda sida guusha leh u difaacday buugga Thesis Book-ga. Guushan qiimaha leh waxa ay caddeyn u tahay dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo himilada aad u leedihiin waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Ururku wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqayaa Maamulka Jaamacadda Admas University Puntland oo had iyo jeer si weyn ugarab taagna ardayda, iyo macalimiinta sharafta leh oo tosin iyo hagitaan cilmiyeed ku hoggaamiyey ardayda ilaa heer ay si guul leh u difaacaan buugaagtooda. Aqoonta, waayo-aragnimada iyo dhiirigelinta aad bixiseen ayaa saldhig u noqday guushan qiimaha badan.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, aqoonta iyo xirfadaha aad ka soo barateen jaamacadda Admas intad ku guda jirteen hayaankini waxbarasho, oo mar walba garab idiin ahayd si ay idiinku qalabeyso aqoon iyo xirfado mustaqbalka aad naftina iyo bulshadinaba ku anfacdaan.

Waxaan idiin rajaynaynaa in aqoonta aad soo barateen ay noqoto mid faaโ€™iido u leh naftiinna, bulshadina iyo guud ahaan dalkina. Guushan aad maanta gaadheen ha noqoto talaabo kale oo idiin horseeda heerar ka sii sarreeya oo aqoon iyo guul ah.

Urur ahaan, waxaan mar walba idinla barbar taaganahay dhiirigelin, taageero iyo bogaadin. Mar kale hambalyo iyo guul baan idiin rajaynaynaa.

โ€œGuusha dhabta ahi waa aqoon faaโ€™iido u noqota naftaada iyo bulshadaada.โ€



20/07/2025

Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Hon Yahye Abdirashiid Mahamed wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda CityCOT Boosaaso.
Kulanku wuxuu daaranaa isbarasho iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya ardayda labada jaamacadood.

๐Ÿ“Œ Kulan Isbarasho iyo Soo DhaweynMaanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Adm...
20/07/2025

๐Ÿ“Œ Kulan Isbarasho iyo Soo Dhaweyn
Maanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda City COT, Boosaaso.

Kulankan oo ahaa mid rasmi ah ayaa daaranaa isbarasho, isfaham iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada urur ardayeed. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimooyin wax ku ool ah oo kor u qaadi kara metelaadda iyo horumarka ardayda jaamacadaha labada dhinac.

Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas iyo dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda City COT, Boosaaso waxay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo horumarinta ardayda soomaaliyeed gaar ahaan reer puntland iyo sidii ay ula jaanqaadi lahayeen dhigooda ardayda wadamada deriska iyo caalamka kale๐Ÿค.


22/06/2025

Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Puntland ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ururka ugu soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda East Africa โ€“ Boosaaso.

Kulankan waxaa uu daaranaa isbarasho, wadaag waayo-aragnimo iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya ardayda labada jaamacadood.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ururka ardayda jaamacada Admas wuxuu dhiggiisa isbarasho rasmi ah ugu geeyey maamulka sare ee Jaamacadda Admas, isagoo muujiyey muhiimadda iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dhinac.

๐Ÿค Waxaa la isku raacay in laga shaqeeyo midnimo, wada-tashi iyo mashaariic horumarineed oo dan u ah ardayda Soomaaliyeed guud ahaan.




22/06/2025

๐ŸŽฅ Kulan Isbarasho iyo Soo Dhaweyn

Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Hon Yahye Abdirashiid Mahamed wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda East Africa (Boosaaso). Kulanku wuxuu daaranaa isbarasho iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya ardayda labada jaamacadood.



๐Ÿ“Œ Kulan Isbarasho iyo Soo DhaweynMaanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Adm...
22/06/2025

๐Ÿ“Œ Kulan Isbarasho iyo Soo Dhaweyn
Maanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda East Africa, Boosaaso.

Kulankan oo ahaa mid rasmi ah ayaa daaranaa isbarasho, isfaham iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada urur ardayeed. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimooyin wax ku ool ah oo kor u qaadi kara metelaadda iyo horumarka ardayda jaamacadaha labada dhinac.

๐Ÿค Waxaan u aragnaa kulankan mid muhiim u ah iskaashiga ardayda Soomaaliyeed iyo dhisidda mustaqbal ifaya oo mideeya ardayda gobollada kala duwan ee dalka .
๏ฟฝ ๏ฟฝ

22/06/2025
03/06/2025

madaxweynaha Ururka Ardayda - Jaamacadda Admas Mudane Hon Yahye Abdirashiid Mahamed ayaa Maanta si rasmi ah u xarig-jaray Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda Jaamacadda Admas โ€“ Puntland.

๐Ÿ“ Xarig-jarka Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda โ€“ Jaamacadda Admas (3-da Juun, 2025) ๐Ÿ“madaxweynaha Ururka Ardayda - Jaama...
03/06/2025

๐Ÿ“ Xarig-jarka Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda โ€“ Jaamacadda Admas (3-da Juun, 2025) ๐Ÿ“

madaxweynaha Ururka Ardayda - Jaamacadda Admas Mudane Hon Yahye Abdirashiid Mahamed ayaa
Maanta si rasmi ah u xarig-jaray Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda Jaamacadda Admas โ€“ Puntland.

Waa talaabo cusub oo muujinaysa horumar iyo dadaal dhab ah oo lagu xoojinayo matalaadda ardayda iyo u adeegiddooda.

Xafiiskani wuxuu noqon doonaa xarun furan oo ay ardaydu si joogto ah uga heli doonaan taageero, hagis iyo fursado ay ku horumarin karaan aqoontooda hogaamineed.

Wuxuu sidoo kale noqon doonaa meel lagu qorsheeyo hawlaha ururka, fududeenta, dardargalinta qorshayaasha iyo shaqada ururka, wacyigelin, cilmi iyo horumarin bulsho.

Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka jaamacadda, ardayda, iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta xafiiskan.

Address

Global Street
Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 20:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 20:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Ardayda Jaamacadda ADMAS Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share