Garowe Teachers Education College

Garowe Teachers Education College Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Garowe Teachers Education College, Community College, Puntland State of Somalia, Garowe.

GTEC is a college that offers Diploma and Degree programs in Early Childhood Education (ECE), Primary, and Secondary Teacher Education, both for pre-service and in-service teachers.

07/05/2025

Warmurtiyeedka Shirka cilmi baarista ururka jaamacadaha Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland




06/05/2025

Muuqaal kooban ee Doodda 2aad ee Shirka:

Tababarka iyo Shaqaaleynta Macallimiinta: Caqabadaha iyo Xalalka (Teacher Training and Recruitment: Challenges and Solutions)

Full Video: https://youtu.be/9-rhy3jqjwg




RASMI: WAXAA SOO XIDHMAY SHIRKA CILMIBAARISTA URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND (APU RESEARCH CONFERENCE 2025).Waxaa shirka oo...
06/05/2025

RASMI: WAXAA SOO XIDHMAY SHIRKA CILMIBAARISTA URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND (APU RESEARCH CONFERENCE 2025).

Waxaa shirka oo socday ka soo baxay war-murtiyeedkan:

SHIRKA CILMI-BAARISTA URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND 2025

WAR-MURTIYEED

Garoowe 06-05-2025,

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland iyo Ururka Jaamacadaha Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qabtay Shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland, 5-tii ilaa 6-da bishan Maajo 2025.
Shirka Cilmi-baarista Ururka Jaamacadaha Puntland oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed, Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntand, Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha iyo xarummaha waxbarashada, cilmi baarayaaal iyo khubarada Soomaaliyeed ee arrimaha waxbarashada.

Bahda Waxbarashada iyo khubrada arrimaha bulshada ayaa muddada uu socday shirku waxa ay yeesheen doodo miro-dhal ah oo ku saabsan horumarinta iyo dib u eegidda adeegyada waxbarashada, caafimaadka, tamarta iyo tiknaloojiyadda, adeegyada doowladaha hoose iyo maamul-daadejinta, si loo xaqiijiyo kobcinta adeegga bulshada.

Kaddib 17 cilmi baaris oo la soo bandhigay, 4 dood cilimiyeed iyo 5 soojeedin ay soo sameeyeen khubarada iyo cilmi-baareyaashu;
Shirka wuxuu soo jeedinayaa;
1. In la joogteeyo madashan, lagana dhigo mid sannadle ah , ayna wadajir u agaasimaan Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland iyo Ururka Jaamacadaha APU.
2. In la xoojiyo midnimada, wadashaqaynta, iskaashiga iyo taageeridda tacliinta sare, si kor loogu qaado tayadda waxbarashada iyo cilmi-baarista.
3. In kor loo qaado cilmibaarista ku saabsan arrimaha bulshada, si xal loogu helo caqabadaha la xiriira adeeg bixinta aasaasiga ah.
4. In la dardargaliyo adeegyada waxbarshada ee aasaasiga ah, lana maalgaliyo iyadoo la adeegsanayo hannaanka casriga ah.
5. In tiknoolojiyadda casriga ah looga faa’iideysto arrimaha waxbarashada, lana xoojiyo farsamada gacanta iyo xirfadaha, taas oo xal u ah caqabadaha shaqo la’aanta.
Shirku waxa uu u mahadcelinayaa madaxda Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare doorkii ay ka qaateen taabba-galka Shirka Cilmi-baarista Ururka Jaamacadaha Puntland oo ah kii ugu horreeyey ee ku qabsooma Puntland.
Sidoo kale, shirku waxa uu u mahadcelinayaa maalgaliyaasha shirka oo ay ugu horreeyaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah.

Mahadsanidiin




Hadal-jeedin: Saameynta Maalgelinta Gaarka ah ee Kobaca Dhaqaalaha iyo Shaqo-abuurka Madaxbannaan oo xoogga saaraysa maa...
06/05/2025

Hadal-jeedin: Saameynta Maalgelinta Gaarka ah ee Kobaca Dhaqaalaha iyo Shaqo-abuurka Madaxbannaan oo xoogga saaraysa maalgelinta gudaha iyo doorka ay ka qaadan karto taageerista iyo dhiirrigelinta abuurista ganacsiyada yaryar.

Jeediye: Ali Haji Warsame
Agaasimaha Guud – Hiil Institute
Wasiirkii H**e ee Waxbarashada Puntland
Maamulihii H**e ee Golis Telecom Somalia




Doodda 2aad ee Shirka:Tababarka iyo Shaqaaleynta Macallimiinta: Caqabadaha iyo Xalalka (Teacher Training and Recruitment...
06/05/2025

Doodda 2aad ee Shirka:
Tababarka iyo Shaqaaleynta Macallimiinta: Caqabadaha iyo Xalalka (Teacher Training and Recruitment: Challenges and Solutions)

Waxaa Ka Qaybgalay doodda:
1. Cabdiraxmaan Adaani – Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare.
2. Cabdiraxmaan Sheekh Cali – Cilmibaare, Guddoomiyaha GTEC.
3. Dr. Ayaan Maxamed – Bare Jaamacadeed iyo Cilmibaare.
4. Nasrudiin Maxamed – Hormuudka Kuliyadda Culuumta Bulshada, Jaamacadda Badda Cas.

Waxaa Doodda Xiriiriyey Abdirisak Farah




MAALINTA 2AAD: Waxaa si rasmi ah uga furmay maalinta 2aad ee  shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025, Wax...
06/05/2025

MAALINTA 2AAD: Waxaa si rasmi ah uga furmay maalinta 2aad ee shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025, Waxaa lagu soo bandhigi doona maanta shirka 10 cilmi baaris oo ka mid ah 17-ka cilmi baaris ee shirka, dood wadaagyo ay ka qayb gelayaan khuburo iyo aqoon yahan iyo hadal jeedino.




Maalinta 2aad Ee shirwaynaha Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland Waxaa Kalmado ka jeedin Doona 1. Dr Ali Sheekh Ah...
05/05/2025

Maalinta 2aad Ee shirwaynaha Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland Waxaa Kalmado ka jeedin Doona
1. Dr Ali Sheekh Ahmed
2. Dr Khadar Ahmed Jama
3. HE Ali Haji Warsame




GAROWE: Waxaa soo xirmay maalinta koowaad ee shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025.
05/05/2025

GAROWE: Waxaa soo xirmay maalinta koowaad ee shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025.




Doodda 1aad ee shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025Deegaan Suurtogelinaya Horumarka Dowladaha-hoose iyo...
05/05/2025

Doodda 1aad ee shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland 2025
Deegaan Suurtogelinaya Horumarka Dowladaha-hoose iyo caqabadaha Hortaagan. (Enabling Environment and Challenges for Effective Local Governance).

Waxaa dood wadaagga ka qayb galay:
1. Abdullahi Awil
2. Mohamed Abdi Mohamud (Agaasimaha Guud ee ALGAPL)
3. Mohamed Adow (Khabiir ku takhasusay Dowladaha Hoose)
4. Ahmed Abdullahi Adam (Khabiir Dowladaha Hoose)

Waxaa doodda xiriiriyey Ahmed Shire (La-taliye, Barnaamijka Dowlad-Wanaag)




[Sawiro Q-3] Shirka 1aad ee Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland (APU) 2025, oo socon doona muddo labo maalmood ah ...
05/05/2025

[Sawiro Q-3] Shirka 1aad ee Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland (APU) 2025, oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa mawduuca “Kobcinta Adeegyada Bulshada” . Inta lagu jiro shirka, waxaa la soo bandhigi doonaa 17 cilmi-baaris oo ka hadlaya doorka hay’adaha kala duwan ee horumarinta adeegyada bulshada, wax ka qabashada caqabadaha jira, aqoonsiga fursadaha, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka cusub ee bixinta adeegyada bulshada .
Shirkan ayaa fursad u siinaya aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha, iyo khubarada inay ka qaybqaataan doodaha ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, iyagoo la wadaagaya fikrado iyo xalal wax ku ool ah.



[SAWIRO Q-2] Waxaa si habsami leh u socoda shirka cilmibaarista ururka jaamacadaha Puntland 2025.
05/05/2025

[SAWIRO Q-2] Waxaa si habsami leh u socoda shirka cilmibaarista ururka jaamacadaha Puntland 2025.




Address

Puntland State Of Somalia
Garowe
25290

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garowe Teachers Education College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Garowe Teachers Education College:

Share