National Teacher,s Training Colleage

National  Teacher,s  Training Colleage GlOBAl MEDIA ROLL

02/02/2025
CABDI RASHIID RIYO RAAC WUXU KAMID YAHAY. HALDOORKA GEEDI SOCODKA HORUMARKA DEMOQRAADIYADA IYO SIYAASADA EE DALKU LEEYAH...
30/01/2025

CABDI RASHIID RIYO RAAC WUXU KAMID YAHAY. HALDOORKA GEEDI SOCODKA HORUMARKA DEMOQRAADIYADA IYO SIYAASADA EE DALKU LEEYAHAY. WUXUNA KUSUN TAN YAHAY. XUBANAHA FARA KUTIRISKA AH EE KU DAYSHADA Mudan. WUXUNA. MUDAN YAHAY. SHAHAADO SHARAF QARAN IN LAGU MAAMUUSO MARKA LOO EEGO. HAWLIHII SIYAASIGA AHAA EE UU DALKA HORUMARKIISA KAGA QAYB QAATAY. RIYO RAAC MARKA LAGA TAGO GUULIHIISII SIYAASIGA AHAA EE XILALKII KALE EE UU QARANKA USOO QABTAY WUXU KALE OO UU BAAL SAHAB KA GALAY. DOORASHADII DAHABIGA AHAYD EE UU DALKA KA QABTAY EE LOOGU TARTAMAYAY KURAASTA PARLAMENT KA. DALKA TAAS OO AY XUBNAHA. UGU BADAN KU GUULAYSTEEN AXSAABTII MUCAARIDKA AHAA WAA XISBIGA TALADA DALKA HADA LA WAREEGAY KUWAAS OO MARKA H**E AAD UGA QAYLIYAY. DOORASHADA GUDOOMIYAHA LOO DOORTAY INUU NOQDO. GUDOOMIYAHA KOMISHANKA. DOORASHOOYINKA IYAGOO XILIGA KU EEDAYNAYAY. INUU KA MID AHAA XISBIGII KULMIYE HADANA. MARKII FOORASHADU DHAMAATAY WAXAY GARWAAQSASEEN SIYAASADII. QURUXDA BADNAYD EE UU CABDIRASHIID U MAAMULAY DOORASHII PARLAMRNTKA. EE ISASAARKA AHAYD RIYO RAAC WAA. MASUUL MUDAN IN QALINKA SAXAAFADU XUSO IN BADAN MARKA LOO EEGO HANAANKA GEEDI SOCODKA FIMUQRAADIYADA IYO HORU MARKA EE UU DALKA KU HOGAAMIYAY. XILIGII. DOORASHADII UU SUTIDA U HAYAY HOGAANKEEDA. RIYO RAAC KUMA KOOBNA. K.D.Q OO QUDHA MEELAHA GUULAHA SIYAASIGA AH UU KA SOO HOOYAY WUXUNA DHAWR JEER OO KALA DUWAN SOO QABTAY XILAL KALA DUWAN OO UU INTABA SI QURUX BADAN UGA DHEX MUUQDAY SIYAASADIISA QURUXDA BADAN EE UU KOLBA HALKA UU JOOGA KA MUUQAL QURUX BADNAYD MEELAHA KALE RIYO RAAC. WAA MASUUL DALKAN IYO DADKANBA AY MAHADIYEEN SIYAASADIISA WALIBA. XUKUMADA CUSUB INAY KA FAAIDAYSATO SIYAASADIISA TOGAN EE KU AY KU DHEEHAN TAHAY GUULAHA SIYAASIGA AH EE IS DABA JOOGA AH

28/01/2025

Ceeleeye Badhashaabkii ugu shaqada wanaagsana ee soo mara gobolka Hawd

28/01/2025

Ceeleeye Badhasaabkii G.Hawd ee xilka wareejiyay wuxu aha mid kamid Masuuliyiintii ugu shaqada wanaagsanaa

28/01/2025
28/01/2025

Maareeye Axmed cabdi mid kamida masuuluyiintii ugu shaqada wanaagsana

25/01/2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maalinta Axadda ee todobadkan la filayaa in uu booqashadii ugu horraysay tan markii la doortay uu ku tego waddanka Imaaradka Carabta.

Illo-xogogaal ah ayaa Gallaydh Media u sheegay in madaxweyne Cirro, martiqaad rasmiya ka helay xukuumadda imaraadka Carabta.
Waxyaabo badan oo ay ka mid tahay Iskaashi Somaliland iyo UAE ayaa lagu gorfayn doonaa kulanka.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in madaxweyne Cirro, Imaraadka Carabta uga dhigay waddankii ugu horreeyay ee uu booqdo si uu isaga yareeyo culays kaga imanaya waddamadda Jabbuuti iyo Ethiopia oo labaduba doonaya in uu booqashada ugu horraysa ku tego.

Imaraadka Carabta ayaa ah waddanka maalgashiga ugu badan ku sameeyay Somaliland tan iyo markii ay gooni-isu-taageed ku dhawaaqday.

25/01/2025

Midowga Afrika ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin tallaabadii uu madaxweyne Trump ku joojiyey qaadhaankii uu Maraykanku siin jirey Haay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Golaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Qaaraddu aad ugu tiirsan tahay Haayadda Caafimaadka Adduunka isla markaana ay rajanayaan in uu dib Maraykanku ugu soo laabto xubinnimadii WHO oo uu hadda ka baxay.

Afrika ayaa ka mida dalalka la daalaa-dhacaya Cudurada faafa sidoo kalena ku tiirsan deeqaha Caalamiga ah.

Donald Trump ayaa qaaday tallaabooyin saamayn ku yeelanaya dalalka saboolka ah ee Afrika sida in uu joojiyey gargaarkii la siin jirey guud ahaan Caalamka si loo hubiyo in uu danaha Maraykan waafaqsan yahay.

25/01/2025

Maxkamad ayaa Xukunkan ku riday ninkan oo loo haysto in uu boorsadaasi ku sitay maydka xaaskisa oo uu jar jaray kadib markii Boolisku qabteen isaga oo xambaarsan Hilibka xaaskiisa.
Lifaaqan ka sii akhri fah faahin https://aljasiiranews.com/so/archives/43511

24/01/2025

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃.

Hargeysa-23-01-2025-()- Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka .

Ugu h**eyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025.

Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent).

𝐃𝐡𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞, 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:

1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Ha’yaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir.

2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL.

3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii h**e iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka.

4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka.

5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka.

6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer.

𝐗𝐮𝐬𝐬𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ( 𝐃𝐚𝐲𝐫 )

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Address

Hargeisa

Telephone

+252634259251

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when National Teacher,s Training Colleage posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share