Jornaliste Axmad Kamas

Jornaliste Axmad Kamas comandy

25/10/2025

Xikmadaha laga diiwaan-geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah:1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan ...
17/04/2024

Xikmadaha laga diiwaan-geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah:

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxaa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada Soomaaligu waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

Mid Ka Mid Ah Tiirarka Guulaha Liverpool, Jones Ayaa Ugu Dambayn Soo Laabtay Kulanka maantana Diyar u Ah.Liverpool Fans ...
04/04/2024

Mid Ka Mid Ah Tiirarka Guulaha Liverpool, Jones Ayaa Ugu Dambayn Soo Laabtay Kulanka maantana Diyar u Ah.
Liverpool Fans Somali News

08/11/2023

Ugu Hiili walaalahaa reer Falasdiin ka soo qaybgalka iyo camiraada barnaamijkan.
Barkulanka Ibnu Khalduun iyo Mu’tamarkiisii aad wada sugayseen
🗓️ 10 November, 2023, Jumcaha
🕖 4:00 -9:00PM Gelinka Danbe ilaa Habeenka
🏨 Maansoor Hotel Hargeisa


FG. Bilaa kaadh Ayaa lagu galayaa barnaamijka

01/10/2023

Bage ka likta sara

12/09/2023

Zxpkaa oo taageero Liverpool Fans Somali News mansoin dheh

Please follow my bage

23/08/2023
Soo sheeg intaan ka garatay?Siina shere gareeya 😎Followda ha ilaawina
23/08/2023

Soo sheeg intaan ka garatay?

Siina shere gareeya 😎
Followda ha ilaawina

12/12/2022

XASIINA CARLOS🤣

29/08/2022

Kaaha hala soo mensoin gareeyo

Address

Hargeisa

Telephone

+252634445527

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jornaliste Axmad Kamas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Jornaliste Axmad Kamas:

Share