Suxufi hamda hikmo

Suxufi hamda hikmo Suxufiyad somaliyed

Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Abdi waxay la kowsatay Qiimo- dhac lacageed  oo ku yimid Shillinka Somaliland“Devaluatio...
19/02/2022

Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Abdi waxay la kowsatay Qiimo- dhac lacageed oo ku yimid Shillinka Somaliland“Devaluation of SL currency”, waxaanay ku guulaystay in qiimaha SHSL kor loo qaado 35% , marka la barbardhigo qiimaha Doolarka Maraykanka, taaso lagu guulaystay in lagu xakameeyo 8500 -8600, halkii doolarba oo markii h**e gaadhay SLSH. 11500.
Waxaa Caalamka iyo Somaliland ka jiraa sicir barar Cuntadda ah “food inflation’’ halka Somaliland ay gaar u tahay Abaar “ Drought” , Abaartu waa mid soo noqnoqotay oo Alle keen ah.
Tusaha sicir Cuntadda Caalamka “food price index “ sanadahii 2019-2021 wuxuu muujinayaa korodh boqolkiiba 42.6% celcelis , halka Ethiopia ku kordheen boqolkiiba 41.6% celcelis , halka Somaliland ka kordheen boqolkiiba 29.3% celcelis.
Tusaha Sicirka Noolka Containers ee caalamka “World container freight index” waxaa ku kordhay sanadahii 2019-2022 korodh Boqolkiiba 308%.
Somaliland waxay soo wajahay waa “sicir barar cunto’’ oo sababeen korodhka sare ku xusan , ee mahaa sicir barar lacageed oo xukumadda ka masuul tahay, mana jirto lacag cusub oo la soo daabacay, iyo kharash ka baxsan miisaaniyadda Xukumadda oo la galay.
Somaliland Raashinka (Cuntadda) la soo dajiyo waxaa hoos loo dhigay boqolkiiba 10%.halka markii h**e Raashinka ( Cuntadda ) lagu cashuuro boqolkiiba 5.7% celcelis.
Raashinka (Cuntadda) la soo dajiyo waa 65% guud ahaan ascaarta dalka ( Gross import).
Dawladdu waxay dejisay siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabad’a da suuqa xorta ah, si waafaqsan Qodobka 11aad ee Dastuurka Somaliland, Suuqa Xorta waa tartan furan oo ku salaysan “Demand and Supply”.
Somaliland waxba k**a badali karaan Caadifad, iyo aragti ku salaysan “Secularism” cilmaaniyad kuna mashquulsan Baraha Bulshadda “Social Media” , Dawladdu waxay soo dhawaynaysaa aragti kasta oo wax ka badali karta hab-nololeedka ku saabsan sugnaanta Cunta Somaliland “ Somaliland Food security”.

Wasiir C/laahi Abokor Cismaan

30/01/2022
Kala soco warar xaqiiiqoyinka ku salaysan pagekayga goor kasta iyo goob kasta aad joogtid
21/10/2021

Kala soco warar xaqiiiqoyinka ku salaysan pagekayga goor kasta iyo goob kasta aad joogtid

21/10/2021

“Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Aniga oo 9 jir ah ayaan subax ari raacay. Duhurkii ayaa oon i qabtay, kaddibna geed hoostiis ayaan seexday. Intii aan hurdayay ayaa arigii iga tegay, goor dambe ayaana hurdadii ka kacay.

Arigii ayaan raadiyay, badankiis waan helay, waxaana iga maqnaatay 12 neef, maqribkii ayaana guriga keenay. Habeenkii ayay timid eeddo oo magaalada jirtay. Markii ay 12kii neef tebtay ayay i garaacay anigoo hurdaya. Waan ka cararay, duurka ayaana habeenkaas seexday.

Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado. Eeddo oo maqan ayaan subixii guriga imid, wiilkii ayaana geed igu xiray. 6 saac ka badan ayaan geedkui ka xirnaa. Xariggii ayaa gacmaha iga naafeeyay, mana helin daryeel caafimaad. 4 bil kaddib ayaa isbitaal la i geeyay, waxba waa ka qaban waayeen, sidaas ayaana labadeydii gacmood la iiga jaray.

Hadda eeddo iyo wiilkeedii dar Alle ayaan u cafiyay, maanta ayaana iigu dambeysay oo aan wiilkii i naafeeyay taleefan kula hadlay. Alle mahaddiis gacmaheyga waan ku adeegtaa. Waxna waan bartaa, oo waxaana semester 7 ka ahay Jaamacadda SIU.”

Waa sheekada Abdirizaaq Warsame Abtidoon.

W/Q:Hussein Sabrie.

10/10/2021

Booliiska dalka Guatemala ayaa 126 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay kunteenar looga tegay waddada dhexdeeda.

Waxay rumeysan yihiin in kooxaha dadka tahriibiya ay meesha dhigeen dadkan, sababo la xiriira inaysan bixin lacagtii looga keenay Mexico.

Booliiska ayaa muhaajiirinta siiyay gargaar deg deg ah kahor inta aysan geyn xarun ay maamusho hay'adda socdaalka ee Guatemala.

Waxay tahriibayaashu doonayeen inay galaan Mareykanka.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay inay ku soo baxeen qeylo dhaanta tahriibayaashan oo garaacayay albaabka kunteenarka.

Waxaa muhaajiriinta haatan dib loogu celin doonaa Honduras, oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ay ka yimaadeen.

Inta badan muhaajiriintan ayaa ka yimid dalka Haiti, oo haatan ku jira xasarad dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qaar yar ayaa ka soo jeeda dalalka Nepal iyo Ghana.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2021, in ka badan 50 muhaajiirin ah ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan xadka Colombia.

Haiti oo in muddo ah ay dhibaatooyin ka taagnaayeen ayaa waxaa xaaladda uga sii daray dilkii bishii July loo geystay madaxwyenihii dalkaas Jouvenal Moïse.

10/10/2021

My new page azxapey fallow so dhaha

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suxufi hamda hikmo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share