06/08/2022
ISLAAMKA WUXUU DHIIRI GALIYAY SHAQADA IYO XOOGSIGA.
Diinta Islaamka oo ah Diin dhinac walba ka dhameys tiran oo baysna u noqon karta Nolosha Aadane kasta oo rumeeya,waxyaabaha ay dhiiri galiso waxaa ka mid ah Dadku inay yeeshaan xirfado Shaqo iyo Aqoon iyo wax soo saar si dadku u noqdaan kuwo deeqtoon oo Nolol-maalmeedkooda soo dhacsada,isla markaana leh Hanti iyo Tacab ay maciishadoodu ku tiirsan tahay.
Nusuusta Abbaartaa ku aadan oo ah kuwo aad uga badan in la soo koobo waxaa ka mid ah intan aan tusaalaha yar u soo qaatay.
Ilaahay wuxuu yiri:-
"هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولاً فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ)،
“Ilaahay waa midka idinkaga yeelay dhulka mid idiin dulleysan oo idiin sakhiran ee intaad dacaladiisa ku socotaan ka doonta Risqiga Eebe oo ogaada in xagiisa uun laydiin soo kulmin doono”.
"رَّبُّكُمُ الَّذِي يُزْجِي لَكُمُ الْفُلْكَ فِي الْبَحْرِ لِتَبْتَغُوا مِن فَضْلِهِ ۚ إِنَّهُ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا (66)
“Rabigiin waa midka Doonta idinku kaxeeya si aad u raadsataan Irsaaqadiisa iyo Maciishadda Nolosha,isagu waa mid idiin Naxariisanaya”.
“وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا (32)”
“Ha naawilina waxa aan qaarkiin qaarka kale dheereysiinay,Raggu waxa ay leeyihiin wixii ay shaqaystaan,Dumarkana waxa ay leeyihiin waxa ay shaqaystaan,oo Ilaahay dheeraad waydiista waa mid wax kasta oge”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"((لأن يأخذ أحدكم حبله فيأتي بحُزمة الحطب على ظهره، فيبيعها فيكفَ الله بها وجهه،خير له من أن يسأل الناس أعطوه أم منعوه))رواه البخاري والحديث صحيح"
“In uu midkiin xarigiisa qaato oo uu xirmo Xaabo ah degta u soo rito oo uu iibiyo oo uu Alle kaga deeqo baryada dadka ayaa u dhaanta inuu dadka wax weydiisto ama ha siiyeen ama ha u diideene”.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"كَانَ دَاوُدُ عليهِ السَّلامُ لا يَأْكُل إِلاَّ مِن عَملِ يَدِهِ" رواه البخاري.
“Nabi Daud wuxuu ahaa mid aan cunin wax ka baxsan kasabka Gacantiisa”.
“وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَاعِلِينَ (79) وَعَلَّمْنَاهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّن بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنتُمْ شَاكِرُونَ (80)
“Nabi Daa’uud waxaan u sakhirnay Buuraha oo way la tasbiixsan jireen Buuraha iyo Shimbirahaba,waxaanan barnay sida Biraha looga sameeyo Cambuur Bireedyada dagaalada looga gaashaanto Ee kuwo Eebe u mahadcelinaya ma tihiin”.
Rasuulka scw waxa kale oo uu yiri:-
"كَانَ زَكَرِيَّا عليه السَّلامُ نجَّاراً" رواه مسلم
“Nabi Zakariye wuxuu ahaa Farshaxan”.
Rasuulka scw wuxuu mar kale yiri:-
"مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَاماً خَيْراً مِن أَنَ يَأْكُلَ مِن عمَلِ يَدِهِ"رواه البخاري.
“Qofna ma cuno Cunto ka khayr badan wixii ay Gacmihiisa soo shaqeeyeen”.
Rasuulka scw wuxuu ahaa mid yaraantiisii Ariga ugu raaci jiray Reer Maka Sunuud yar,kolkii uu soo roonaadayna wuxuu galay Tijaaro iyo Ganacsi oo dadka maalqabeenada ah ayuu Xoolahooda u rogrogi jiray oo uu wixii ka soo baxa oo Faa’iido ah Saami wadaag kula ahaa,
Xitaa intii uu Nabiga noqday Rasuulka scw wuu dhiiri galin jiray Ganacsiga oo uu dadka wax ka bari jiray sida loo Ganacsado,oo wuxuu marar badan wax ku darsan jiray dadka oo uu share ka qaadan jiray Ganacsatada uu u arko inuu Ganacsigoodu heer gaaray.
Rasuulka scw xitaa Dumarka inay shaqaystaan ayuu ku dhiiri galin jiray haddii aysan haysan cid ka xigsata u xoogsi tagga Qoyska,gaar ahaan Haweenka la furo ama laga dhinto oo kale.
"وعن جابر رضي الله عنه قال:-طلقت خالتي فأرادت أن تجد نخلها فزجرها رجل أن تخرج فأتت النبي صلى الله عليه وسلم فقال : بلى فجدي نخلك فإنك عسى أن تصدقي أو تفعلي معروفا )
“Saxaabiga Jaabir rc wuxuu yiri:-Habaryartay baa la furay kolkaasay damacday inay Beerteeda ka shaqaysato,nin ayaa damcay inuu u diido markaasay u timid Nabiga scw ooy arintaa u sheegtay,kolkaasuu ku yiri Nabiga scw:-ka shaqayso Beertaada waxaa dhici karta inaad waxa kaa soo gala aad qaarna sadaqaysato qaarna aad si kale wax kuu haboon aad ugu qabsato”.
Rasuulku scw wuxuu kale oo yiri:-
"الْمُؤْمِنُ يَمُوتُ بِعَرَقِ الْجَبِينِ ".
“Mu,minku wuxuu ku dhimanayaa dhididka uu dhabankiisu ka sayrayo”.
Yacni Mu’minku siduu ugu dadaalayo Xalaal miirad oo uu Xoogiisa u maalayo Dhididkiisana u cunayo ayuu ku dhimanayaa”.
Wuxuu kale oo uu Rasuulku scw yiri:
(نعم المال الصالح للرجل الصالح)
“Alla wanaagsanaa Maal Dariiq wanaagsan oo xalaala lagu keenay oo qof wanaagsan Gacantiisa ku jira”.
Cabdullaahi M. Xuseen.