10/01/2022
Udugii Jaceylka Hanad iyo Hodan 💍♥️ part: 2
(Sheeko Jaceyl ah)
Hooyadii Hanad dhashay Safarkeedii Ayay U Baxday, Ugu danbey Way Nabad Tagtay, Oo Tuuladii Way Gaadhay meesha ay rabtay, Hanad Isaga Guriga Laba Cisho k**a uu bixin Werwer Dartiis iyo Nolol aanu raali ka ahayn inuu Galo oo ay Hooyadii ku khasabtay.
Hooyadii Hanad Dhashay reerkii Markay Dhawr cisho Joogtay, Tuuladii Ku soo Dalxiistay Ayay Hawshay U timid Gashay Islaantii Ay Saxibka ahayeen ayaa u timid, Hooyadii Ayay Wada Hadleen Una Sheegtay Arinkay U timid, Ugu Danbey Hanad Waxa Loo Doonay Gabar Hodan La idhaa Wana Gabar Qurux iyo Wanaag Isku darsatay iyo Haybad, Hidaha iyo dhaqankana aad u taqaan.
Hanad Muruga ayaa ku soo xaadirtay, Sababta oo ah Gabar Aanu jeclayn, oo Waliba reer tuulo ah sideen Xaas uga Dhigtaa Ayuu Kolba Saxibadii ku leeyahay, isaga oo Diidaya Hadhaw in Lagu xanto Maadama U Yahay Wiil reer magaal Ah, Oo hanti Leh Kolba Wadan U Dalxiis Taga, Siduu gabar Reer miyi Ah u Guursaday isaga oon Helaya Gabar Ay Isku Level Yihiin.
Hodan gurigi ayaa La keenay Hanad, iyo Hooyadii Dagnayeen Halkaas Ayay Dagi Doonan Madaama Hooyada Hanad dhashay Kaligeed Tahay wiilkeedu K**a Guuri karo oo way weheshataa Wayna isla qaateen.
Hodan iyadu jawiga iyo dadka magaalada wali Lama qabsan, inkastoo Hooyadii Garab tagan tahay, Hodan Hanad iyo Hooyadii Ayaa isla wada Hadlaya iyaga oo fadhiya barxada Guriga ayay Hooyadii tidhi, Waxan Raba Inan Aroos Weyn dhigano, Hanad Intuu Naxay indhaha Tagay ayay Hooyadii ku tidhi, Wiilkaygii Maxaa Kugu Dhacay Wuxu ku dhahay Hooyo Waxba Ma jiran, Kadib Ayay Ku tidhi wan Seexanayaa Subaxa Haynoo Ahato, Hanad oo Yaaban! oo Inuu Magaalada Ka Cararo inyar u jira ayaa Qolkiisa galay, Tan iyo malintii u guurka maqlay Muu seexan.
Hodan Oo Iyadu Qol kale Dagan, Oo Wali loo diyaarinayo Arooska Ayaa iyaduna Dhankreda Murug iyo Fikir Kula jirta, Hanad Arooska Si uu iskaga Joojiyo Ayuu Ka fikiraya, Markas Ayuu Qolkeeda ku gaaracay Albaabka, Markas Ayuu ku dhahay Ina kula hadlo rabaa Meel ayay Ayay fadhisteen, Wuxuu u Sheegay Guurka iyo Arinkan Inanu Raali Ka Ahayn, Uu Hooyadi Darteed U sameynaayo Wuxuna ka codsaday Inay iyadu ku Qanciso Hooyadii inanay Aroos Rabin, Hodan Arinka Wayba Fahmi Laadahay, Lakiin Waa Gabar Aqli iyo Wanaag Leh Waxay ku tidhi Anaa Hooyo u sheegi Doona bari Okay, Saas ayaynu Isku Ognahay Ayuu idhi Qolkiisa Ayuu ku Laabtay.
Hodan Ayaa Subaxdii Hooyadii u Sheegtay kana Dhadhicisay Inanay Aroos rabin, maadama Uu Hanad Ka Codsaday isaga oo diidaya in Lagu arko Hodan, Hooyadii Ayaa ku tidhi Hadad happy ku Tahay waan Iska daynaynaa
Inantaydiiyeey.
Hanad Marku soo kacay miiskii qureecda uu imid ayay Hooyadii u sheegtay, In Hodan anay aroos rabin, Markas ayuu dhahay Haday Rabin inaga Dhaf isaga oo niyada ka faraxsan, kadib u quracday Una iska baxay Hodan iyo Hooyadii ayaa Qolka fadhiga Wada Fadhistay, Waxayna Hooyadii u keentay Hodan dhar iyo dahab iyo shopping Mahadsanid, waxayna u raacisay Hooyo Hanad Maxaad Ugu dooni wayday Gabar Reer Magaal Ah, Hooyadii intay dhoola cadeysay Ayay ku tidhi adiga ayan kula jecladay, reerkagana iyo hooyadana Waxanu Nahay Dad Aad isku Yaqaana, Aqoon isku leh adigana Waxan ogahay in aad ku haboon tahay Wiilkayga.
-La soco Qaybta:3
- dib u akhriso Qormadii H**e Haday ku dhaaftay si aad u fahanto Nuxurka Qisadan.
-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.
me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.
W/Q cavaaze