C/qaadir xuseen koronto

C/qaadir xuseen koronto Waxa aan ahay siyaasi doonaya in uu wax kabedelo bulsha somaliyeed , waxay nu page kan kukala qaadan aqoon iyo afgarasho

Adeerow in aad riyooto waxa ka horeysa in aad seexato , somaliland waxa aanu ku difaacaynaa jiif iyo joogba ......
04/06/2025

Adeerow in aad riyooto waxa ka horeysa in aad seexato , somaliland waxa aanu ku difaacaynaa jiif iyo joogba ......

29/05/2025

Odaygan waxa lagula kacay waa damiir xumo

27/02/2025

Somaliland waxa ay indheheedii ku jeediyey somaliya iyo abey axmed ,halka ay khaatumadii dalka iska soo gelgelayaan ,kuumaanu dooran kadhaaf inla laga bixiyo ,ciidanka medeniga ah lama qaramayn karoo inta firdhiye uu madaxweyne sheeganayo

Qaar kamid ah Faallooyinka ay Falastiiniyiintu dhiibteen marka ay maqleen dadka reer Qasa waxaa loo rarayaa Somalia.Afaf...
06/02/2025

Qaar kamid ah Faallooyinka ay Falastiiniyiintu dhiibteen marka ay maqleen dadka reer Qasa waxaa loo rarayaa Somalia.

Afaf ali: " Marka nala barakiciyo maxay noo geyn waayeen meel aan Somalia ahayn maxay Sweden noo geyn waayeen waxaan rabnaa Dal biyo leh cagaaran iyo wajiyo qurux badan leh. "..

Suzan Abu Ramoz: " Saboolnimo ka tag oo saboolnimo utag, Ilaahay ma oran oo nama tuso "

Jeje Jojo: " intaan Ramadaan Soono ayaan haddana Basal ku afuri doonaa "..

Razan Waleed: " Soomaaliya ma waxaan ugu tagnaa in aan Caloosha xoolaha cuno "..

Israa J. Buss: " Somalia waa meel wasakh ah haddii ay Dowlad fiican ahaan lahayd war wanaagsan ayaan dhihi lahayn, waxaan idin leeyahay xaaladdiina dib ufiiriya wadammo fiican doorta "...

waad yaabaysaa marka aad akhrisid commentiyada ay bixinayaan, bahdilaad, Aflagaado iyo quursi.

11/08/2024

Kulmiye waa kuma ?

09/07/2024

In muddo ah oo aan baraha bulshada ka maqnaa ,hawlo iigaara , alxm

What is brand-new?

24/05/2024

Nabad ayaa dadka deeqda ee dagaal Wax ma hambeeyo

07/05/2024

Somali muus qudha ma rabtee in loo diiray rabtaa
Waa hadal Xigmad leh

𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸             𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸 waxa aan halkan dhambaal  hambalyo farxadeed ah iyo bogaadin uga dirayaa guud ah...
09/04/2024

𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸 𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸

waxa aan halkan dhambaal hambalyo farxadeed ah iyo bogaadin uga dirayaa guud ahaan umadda islaamka, si gaar ah Somaliland, Reer Togdheer, Waxa aan lee yahay Alle ha inaga aqbalo acmaashii wanagsanayd ee aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee RAMADAAN .
Waxa aan umadda islaamka ah Alle uga baryayaa in Sanadkan sanadkiisa Bash-Bash iyo Barwaaqo Alle inagu gadhsiyo idilahanteenba.

ℂ𝕚𝕚𝕕 𝕄𝕦𝕓𝕒𝕣𝕚𝕜 𝔻𝕙𝕒𝕞𝕒𝕒𝕟𝕥𝕚𝕚𝕟𝕓𝕒.

عيد مبارك وكل عام وانتم بالف خير

10/03/2024

| DAR-DAARANKII LUQMAAN AL-XAKIIM.

Luqmaan Al-Xakiim oo Wiilkiisa u Dardaarmaaya ayaa wuxuu ku yiri:-

1- Aabbe ka Qoomameyn meysid Weligaa Aamuska.

2- Aabbe Ceel aad ka Biyo Cabtay haku tuurin Dhagax.

3- Aabbe Carabkaaga kaga Caada Dhig Alloow ii Dembi dhaaf, Maxaa yeelay Waxaa jira Saacado aan la soo celin Ducada.

4- Aabbe Shimbir ku jirta Weelkaaga ayaa ka Kheer badan Dibi ku jira Weelka Qayrkaaga.

5- Aabbe Labo ha Xusuusan Weligaa:- Xumaanta ay Dadka ku Xumeeyeen iyo Ixsaanka aad Dadka u sameysay.

6- Aabbe Dadka haddii ay ku Faanaan Hadal Wanaagooda, adna ku Faan Aamus wanaagaaga.

7- Aabbe ha noqon Ruux Macaan ee la Liqo mise Ruux Qaraar ee la Tufo.

8- Aabbe Taqwada Allaah ka dhigo Tijaaro Faa'iidadeeda ayaad ku heli Badeeca la'aan.

9- Aabbe iska ilaali Deyn maxaa yeelay Dharaartii waa Dulli, Habeenkiina waa Tiiraanyo.

10- Aabbe waxaan qaaday Bir, maana Arkin wax ka Culus Deris Xun, Waxaan Dhadhamiyay Qaraar oo idil, maana Arkin wax ka Qaraar Faqri.

11- Aabbe haddii aad dooneysid inaad Walaal la noqoto Ruux, ka Careysii, haddii uu kuu Garsooro kolka uu Caroodo la noqo Walaal, haddiise uu kuu Garsoori waayo iska ilaali.

12- Aabbe haddii aad gasho Guri aan Gurigaaga ahayn Xifdi Aragaaga, haddii aad Fariisato meelaha ay Dadka Fariistaan Xifdi Carabkaaga, haddii aad ku jirto Salaadda Xifdi Qalbigaaga.

(Alloow Dembigeena iyo Dembigii Waalidkeena Cafi).

15/02/2024

Cilmi Nafsi ahaan 🟡

Xaalada nafsiga ah ee loo yaqaan" LETHOLOGIA ".

Waa Xaalad uu Qofka ku Sababta inuu ilaawo Dadka magacyadooda sidoo kalena uusan awood u yeelan inuu xasuusto , Inkastoo uu Garanayo Tilmaantoodii ,Qaabkoodii ,sifioyinkoodii iyo Qaar kale ka mid ah xasuusta . Balse ma xasuusan karo magacyadoodiii .
Runtii dad badan ayaa xaaladaan la dhibaateysan xilligaan aynu joogno .!

Address

Hargeisa
00252

Telephone

+252654306161

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when C/qaadir xuseen koronto posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to C/qaadir xuseen koronto:

Share