24/02/2026
𝐑𝐢𝐟𝐭 𝐕𝐚𝐥𝐥𝐞𝐲 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 faraceeda Hargeisa ayaa qayb ka ahayd tartan ay soo qaban-qaabisay 𝐆𝐮𝐝𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐉𝐒𝐋, kaas oo ay qayb ka ahaayeen jamacaddaha gobolka Maroodijeh.
Tartankani waxa uu daaranaa waddaniyadda, qaranimadda iyo fahamka dastuurka 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Tartanka waxaa uu ka qabsoomay 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.