07/09/2026
Maxaad ku Dooranaysaa Human Resource Management?
Human Resource Management (HRM) ma aha oo keliya maamulka shaqaalaha; waa cilmi iyo xirfad isku dhafan oo diiradda saarta horumarinta awoodda iyo kartida shaqaalaha, kobcinta waxqabadka iyo wax-soo-saarka, dhisidda hoggaan wax-ku-ool ah, iyo xaqiijinta in shirkadaha, ganacsiyada iyo ururradu helaan shaqaale leh aqoon, karti iyo tayo ku filan oo lagu gaaro himilooyinkooda iyo ujeeddooyinkooda.
Khadar Cabdi Dhoolayare: Human Resources Specialist
Abaarso Tech University