25/11/2019
Aflatoxin 💮
Tababar ku Saabsan Beeraleyda
KHASAARAHA LAGALA KULMO GOYNTA KA DIB & KEYDINTA DALAGGA
Aflatoxin waxuu bani'aadanka u keenaa cuduro kala duwan oo ka mid ah Beer-Bararka iyo cudurka Kanserka. Dadka soomalida ayaa u dhinta cudurro ku dhasha sunta ka soo baxda.
1. Hordhac
Beeraleyda Gobolka somalida iyo meel kasta oo ka mid ah dhulka Soomaalida ee laga beero dalaga waxay qarniyaal badan raaci jireen habab qadiimi ah ee wax loo shafo loona keydiyo,
hababkaas waxay keeni karaan khatar wadareed oo ah mid khasaaro wax soosaar iyo mid sumoobid oo keeni kara jirrooyin iyo dhimasho ku timaado beeraleyda iyo dadka isticmaala dalagga.
Habka tababarka waxaa loogu talagalay beeraleyda rabta inay bartaan xajmiga uu la eg yahay khasaaraha iyo waxyaabaha keenay iyo sida loo yareen karo khasaaraha dalagga, waxaa muhiim ah in beeraleyda ay ka digtoonaadaan khasaaraha ay kala kulmaan marka ay yan hagaajin goynta dalagga, qallajintiisa, finjiliddiisa iyo ugu dambeyntii keydinta dalagga.
Habka wax loo keydiyo waxay keentaa qasaaro dhaqaale oo xanuun badan iyo halis caafimaad oo leh saameyn dhab ah.
2. Ujeeddooyinka Habka Tababarka
Ka qeybgalayaasha waa iney tababarka dhammaadkiisa ogadaan:
ï‚· Waa iney gartaan mugga qasaaraha dalagga iyo waxyaabaha sababay khasaarahaas.
ï‚· Waa iney ka digtoonaadaan farsamooyinka keeni kara khasaaraha dalagga.
ï‚· Waa iney gartaan muhiimadda ay leedahay horumarinta sida loo keydiyo dalagga iyo
farsamooyinka weheliya.
ï‚· Waa iney bartaan farsamooyinka qasaaraha dalagga.
ï‚· Waa iney ka digtoonaadaan waxyeellada dhaqaale iyo halista caafimaad uu keeni karo suntan wasaqeynta Aflatoxin ka.
ï‚· Waa iney la jaan qaadaan hababka ka hortagidda wasakheynta Aflatoxin ka.
3. Hordhac iyo Soo Dhaweyn
Ku soo dhawow tababarka (khasaaraha goynta iyo keydinta dalagga). Waxaan si furan uga doodi doonnaa muhiimadda ay leedahay qeybaha khasaaraha ee keydinta dalagga, sababta keentay iyo sida looga hortegi karaa.
Ujeedooyinka tababarka
ï‚· Inaad qeexdid noocyada khasaaraha keydinta & khasaarahaas halkuu ka yimid.
ï‚· Inaad ka digtoonaatid qeybaha halista keeni kara marka laga hadlayo badbaadinta
dalagga.
ï‚· Inaad garatid muhiimadda ay leedahay horumarinta keydinta dalagga iyo qeybaha
kale ee weheliya.
ï‚· Waa inaad baratid farsamooyinka sida loo yareeyo khasaaraha dalagga.
ï‚· Inaad ka digtoonaatid waxyeelada dhaqaale & halista caafimaad uu keeni karo
wasaqeynta Aflatoxin ka.
ï‚· Waa inaad la jaanqaadid hababka ka hortagga wasaqeynta Aflatoxin ka.
Xusuusnow tirakoobka khasaaraha ee shafidda dalagga ka dib ee gobolada qar waxaa weeye qiyaas ku salaysan sanad kaliya ee ma aha qiyaas guud , marka waxaad si taxadar leh u darastaa tirooyinkaas ee tirakoobka soo saaray.
4. Goosashada Dalagga Kadib
Hadda waxaan ka doodi doonna khasaaraha goosashada dalagga ka dib ee Gobolada qar
Qeybaha khasaarahaas keeni kara waxay u kala baxaan: goynta, raridda qalajinta.
Ujeeddada
xisaddaan waxaa weeye in la caddeeyo dhibaatooyinka ay keenaan khasaaraha goynta ka dib iyo sida xal looga baxo dhibaatadaas loo heli lahaa.
1. Dalag Goynta
Gobolada somalida qar waxaa lagu qiyaasay beeraleyda miraha kaga luma xilliga goosashada 10-20%,
marka labarbar dhigo miraha ku luma goosashada iyo qalajinta bariga iyo koonfurta Afrika oo dhan sida ay FAO sheegtay oo ah 12%, dhumidda miraha waxay ka bilaabataa goynta, dhigidda dhulka, ururinta iyo kadib qalajinta. Haddaba miraha dillaaca ama jajaba waa halka uu cudurku ka soo galo iyo cayayaanka, Qodobka Qodob dheh.
Xalka: Xannaaneynta miraha waqtiga goynta, qalajinta, keydinta iyo raridda oo si fiican looga taxaddaro
2. Raridda
Raridda miraha ee Gobolada qar waa meesha ugu yar ee miruhu Lumaan ama dhumaan wax lagu qiyaasay 10%,
FAO waxay ku qiyaastay 1-2% dhaawaca miraha xumaada ku timaadda
waqtiga raridda ee Afrika oo dhan, gaar ahaan marka rariddu ay dheer tahay.
Qiyaas africa oo dhan iyo Soomalida!
Xalka: Waa in la wanaajiyo raridda iyo raseynta
3 Qasaaraha Qalajinta
Beeraleyda somalida waxaa lagu yaqaanaa in beerta lagu qalajiyo miraha iyadoo sabuulku ku dhaggan yahay, haddaba taasi waxay soo jiidataa in cayayaanku si fudud u waxyeelleeyo miraha sidaas darteed marka lakeydinayo miraha waxaa haboon in la raaco saddex hab:
ï‚· Miraha oo si fiican loo qalajiyo
ï‚· Miraha oo la uumi bixiyo
ï‚· Miraha oo cayayaanka lagala dagaallamo.
Beeraleyda qar waxay masaggada ku qalajiyaan 0-10 ama 10-30 maalmood, taaso ku yar ama ku badan qalajinta marka loo eego tayada iyo arrimaha dhaqaalaha ee miraha.
Xalka: Marka koowaad waa in xilliga qalajinta laga dhigaa (20) maalmood. Haddaba dheereynta waqtiga qalajinta ama gaabintaba waxa ay keenayaan in miraha ay ka lumaan nafaqooyin badan iyo soo dhalashadii miraha, waxaana ugu habboon in cimilada aysan ka badan 43°c, miraha qalajintooda & 35°c miraha kale, haddaba waxaa habboon in miraha la qalajiyey oo la keydiyey la kontaroolo si looga ilaaliyo qoyaanka, Cayayaanka iyo inay isbaddalaan, waxaa muhiim ah in qoyaanka miraha in uuna ka badan 12% si loo yareeyo qoyaaanka ay keenaan cayayaannada , haddaba la tirtiri karo cayayaanka haddaan la helin qalab keydin casri ah, haddaba sababaha miraha diiran loogu baahan yahay waa :-
B) Soo bixidda miraha
T) Fididda qoyaanka oo yaraada.
J) Fididda cayayaanka oo yaraada.
5. Miraha ku luma Keydinta
Waxaan ka hadlaynaa miraha ku luma keydinta, Gobolada qar,
waxaana raadin doonaa xalka, si loo yareeyo qasaaraha, inta badan miraha ku luma keydinta waxaa keena cayayaanka , cuduro, Jiirka ama dooliga iyo qoyqnka.
Cayayaanka
Qasaaraha cayayaanka uu sababo waxaa lagu qiyaasaa inay gaareyso ilaa 10-20% oo ah qasaaraha miraha la keydiyey, laakiin mararka qaar qasaaraha wuxuu gaaraa illaa 30%.
Runtii cayayaanka wuxuu geystaa qasaara intaas ka badan , tusaale ahaan degmooyinka qar qasaaraha ay geystaan waxaa la sheegay in ka badan 50% oo ah inuu gaarayo qasaare sanadeedka ee miraha la soo goostay. Cayayaanka mar waliba geysta qasaaraha ugu badan
marka laga hadlayo miraha la keydiyo.
Koonfurta Soomaliya qasaaraha intaas wuu ka badan yahay wuxuuna caga cageynayaa illaa 57% dhibaatadaan waxaa geysta cayayaanka kaliya. Jiqjiqle duureedka wuxuu geystaa qasaare gaaraya illaa 30% oo ah qasaaraha miraha la keydiyo. Cayayaaannadaan waxay dhibaatooyin u geystaan miraha la keydiyo iyagoo si toos ah miraha u cunaaya, dhaawacyada ay u geystaan miraha waxay mar waliba mashaakil ku abuuraan beeraleyda waayo miraha kuma habboona suuqgeyn, cunis & in beerta lagu abuuro.
Xalka: Tarnaka cayayaanka waxaa hakiya heerkul qabow (15°c) iyo qoyaanka hawada
oo ka hooseeya (9°c) iyo marka ay tahay dhir-miroodka sida masaggada taranka
cayayaanka waxaa lagu hakiyaa qoyaan hawada oo ka hooseeya 13%.
Isticmaalka cayayaan dilaha wuxuu muhiim u yahay yareynta dhibaatada cayayaanka
isticmaalkaasna wuxuu keena dhibaato caafimaad.
Jiirka ama dooliga
Jiirka ama dooliga qolo kasta sidey u taqaano wuxuu u geystaa miraha la keydiyo qasaare lagu qiyaasay 10-20%, qaar ka mid ah jiirka kuma ekaadaan cunis ama dhaawac ay u geystan miraha laakiin waxay ku wasakheeyaan miraha saxaradooda & timahooda, waxaa kaloo ka sameeyaan bakaarta dhinacyadeeda godad ay ka soo galaan biyaha taasoo dhib kale ku ah miraha la keydiyey. Waxad ka soo arki karta adigoo baadhaya suuqyada WAAHEEN, GOBONIMO, XERO HADHUUDHA.
Xalka: Beeraleyda waxaa u fiican inuu isticmaalo fuustooyin ama caagag si uu u xafido mirihii uu soo goostay, Dukaanada ASLI MILIS aya ah qaabka ugu haboon xaga xaafimadka dalaga, qiimaha qalabkaasi wuu jaban yahay waana sahal helitaankooda mirihii lagu keydiyo fuustooyin ama caagag waxay ka badbaadayaan weerarro ka
yimaada cayayaanka, xayawaanka iyo biyaha soo gala oo miraha u geysta khasaare.
Cudurrada
Fungi waa noolaha isha aan lagu arki karin ee dhibaateeya miraha. Marka h**e waxay u muuqdaan ugxan yar-yar ka dibna wey batan marka ay helaan meel qoyaanka hawada ay sarreyso, markaas ka dib wareeg nololeed oo gaaban waxaa meesha ka abuurmaya ( Aspergillus flavus ) kaasoo soo saaraya suntan loo yaqaan Aflatoxin.
Suntaas waxay miraha la keydiyey ka dhigeysaa wax la cuni karin , wax yar oo suntaas ah haddi ay dhiigga ku darsanto waxay sababtaa cudurka loo yaqaan BEER_BARARKA haddii sunta ay ku badato dhiigga ayaa waxay keentaa qofkii oo sumooba ama dhimasho.
Dadaal kasta waa in la sameeyaa si looga hortago inuu degaan ka helo bakhaarka noolaha loo yaqaan Aspergillus flavus kahor iyo ka dib goosashada miraha waxaa soo if bixi kara Afltoxin,
wasaqda Afltoxin waxay imaan kartaa marka miraha aan si wanaagsan loo qalajin waxay wasakheyntaas iman kartaa marka biyo ay bakhaar ka soo galaan. Miraha ay sida aadka ah ulakulmaan dhibaatada Aflatoxin ka waa: Miro geedka lowska, miraha Hadhuudhka iyo Galleyda.
Xalka: In lagu dadaalo sidii loo yareyn lahaa mugga qoyaanka taas waxaa la heli karaa
marka si fiican loo qalajiyo inta aan la keydin miraha, waxaana lagu dadaalayaa in aysan Jiirka ama dooliyada ka sameysan godad agagaarka qolka bakhaarka si ayana biyo u soo galin.
Qoyaanka
Marka loo eego beeraleyda Gobolada qar waxay sheegeen in qasaaraha qoyaanku keeno inuu u dhaxeeyo 10-30% qiyaas ah, siyaabo kala duwanba qoyaankaasi ha ugu yimaadee,
Siyaabaha qoyaanku ku waxaa ugu badan:
ï‚· Daad uu keena roobab mahiigan ah.
ï‚· Qoyaanka siimowga dhulka ama seerta.
ï‚· Xabuubta oo si fiican loo qalajin.
Isbaddelka cimilada joogtada ama nadaafada bakhaarka agagaarkeeda ka jira ayaa keena iyo huurka ka jira bakhaarka.
Inta lagu jiro goosashada xaddi fara badan oo sabuul qoyan ah ama qashin badan oo caleen ah waxay waxyeeleyn kartaa tayada xabuubka raashiinka ee bakhaarka ku jira waxayna keeni kartaa seer gudbin.
Xalka: waa In la sabidheeyo bakhaarka si looga fogaado qoyaanka uga gudba bakhaarka,
In laga fogaado wax alla wixii ku dhalin kara huur bakhaarka gudaheeda, taasi waa
suurtagal haddii ayna helin qalajin ku filan, cayayaanka, aqoondarrida
xafidaada la'aanta waxay keenta dhibaatooyin badan.
1. Khasaaraha Goynta ka Dib-Finjilka
Khasaaraha ugu dambeeya ee midhaha wuxuu dhacaa marka la keydiyo kabacdi qaas ahaan finjilista.
Finjilista Galeyda ayaa u muuqada khasaaraha keyd sashada ka dib , inkastoo
beeraley farabadan oo degmooyin kala duwan ay sheegeen in ugu yaraan
10% , ugu badnaan 20% , uu gaarayo qasaaraha finjilista. Haddaba celceliska qasaaraha finjilista ee dhulka soomalida ayaa noqoneysa 15%, qiyaasta guud ee FAO qasaaraha finjilisa galleyda
Afrika waa 2 – 5 %, Habka ugu caansan ee finjilista sabuulka ee Gobolada somalida waa isticmaalka Kasha iyo Mooyaha, barashadu waxay tilmaameysaa in finjilka masaggada uu aad ugu badan yahay Afdheeraha masaggaduna ayna finjilmeyn.
Xalka: Waa in bac weyn loo dhigaa mooyaha salkiisa si wixii miro ah ay ugu daataan
bacda.
Waa Maxay Aflatoxin?
Aflatoxin waa dhibaateeye saameeya dalagyada Galley, Masagada, Qamadiga, Lowska, iyo waxa kale uu ku dhaca Caanaha lo'da iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo. . Aflatoxin waxuu bani'aadanka u keenaa cuduro kala duwan oo ka mid ah Beer-Bararka iyo cudurka Kanserka. Dadka soomalida ayaa u dhinta cudurro ku dhasha sunta ka soo baxda.
Beeraleda Caalam ka ayaa aad ugu mashquulsan in ay ladagaallamaan noole sameeya sun, taas oo la yiraahdo
Mycotoxin Aflatoxin ka waxaa looga soo soocay dhibaatada uu bini’aadamka u leeyahay.
Dhawaan waxan sameen doona kulan iyo doodo balaadhan, iyo wacyi galin badan oo lasiiyo beeraleyda.
Insha Allah
AgriTech Somaliland
©Ahmed Gaas