15/10/2026
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐จ๐ ๐๐ ๐ฆ๐๐ก๐ก๐๐๐๐๐ก ๐๐จ ๐ฆ๐ข๐ข ๐๐๐๐ฅ๐๐ฌ๐ ๐จ ๐ค๐๐๐๐ง๐๐ฌ ๐๐จ๐๐๐ก ๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ข๐ข ๐๐๐๐ช๐๐ฌ๐ก ๐๐
Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta ardayda cusub ee ๐๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ-๐๐ฎ๐
๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒโ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ณ u qabatay ๐๐๐น๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ด๐ถ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ฆ๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐๐ป ๐ฎ๐ต (๐๐ฟ๐ฒ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ป ๐ข๐ฟ๐ถ๐ฒ๐ป๐๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป), kaas oo ka qabsoomay Barxadda Qalinjebinta Jaamacadda Hargeysa.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in ardayda cusub lagu soo dhaweeyo Jaamacadda, laguna baro nidaamka waxbarashada, xeerarka imtixaannada, habraacyada lacag-bixinta, anshaxa ardayda iyo adeegyada kala duwan ee Jaamacadda.
Ugu horrayn, ๐๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐๐ฏ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ถ๐บ, Hormuud-ku-xigeenka Kulliyadda Waxbarashada, ahna Ku-simaha Hormuudka Kulliyadda, ayaa madasha ka sameeyey hordhac iyo isbarasho, isaga oo ardayda cusub si qof-qof ah u baray dhammaan masuuliyiintii iyo martidii ka soo qaybgashay kulanka.
๐๐ฟ. ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฎ, Agaasimaha Waaxda Barnaamijyada Waxbarashada, ayaa ardayda siiyey faahfaahin ku saabsan ๐
๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐
๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ (๐๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐บ๐ถ๐ฐ ๐ฅ๐๐น๐ฒ๐), isaga oo u sharraxay nidaamka waxbarashada iyo waajibaadka looga baahan yahay ardayda.
Dhankiisa, ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ณ๐ฒ ๐ฆ๐๐๐ฑ๐ถ, Diiwaanhayaha Jaamacadda, ayaa ardayda u sharraxay ๐ป๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐บ๐๐ถ๐
๐ฎ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ, habka ay natiijooyinkooda uga heli doonaan nidaamka elektaroonigga ah ee Jaamacadda, iyo adeegyada kala duwan ee Xafiiska Diiwaangelinta.
๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป ๐๐น๐ถ ๐๐ฒ๐ฟ๐๐ถ, oo ka mid ah ardaydii ugu horraysay ee ka qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ka mid ah aqoonyahannada ay Jaamacaddu soo saartay, ayaa ardayda cusub la wadaagay dardaaran iyo talooyin ku saabsan sidii ay uga faa'iidaysan lahaayeen fursadaha waxbarasho ee Jaamacadda.
๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐น๐น๐ฎ๐ต๐ถ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐บ, Agaasimaha Waaxda Maamulka Lacagta, ayaa ardayda siiyey xog ku saabsan ๐ป๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ด-๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ, hababka loo bixiyo kharashaadka waxbarashada iyo habraacyada la xidhiidha adeegyada maaliyadeed ee Jaamacadda.
Dhinaca kale, ๐ข๐บ๐ฒ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ ๐๐ฑ๐ฎ๐บ, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Ardayda iyo Xidhiidhka Qalinjebiyayaasha, ayaa ardayda u sharraxay ๐
๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ป๐๐ต๐ฎ๐
๐ฎ, ๐
๐๐พ๐๐๐พ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ท๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ, iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka iyo shuruucda Jaamacadda.
Kulanka waxa sidoo kale ka hadlay ๐๐ฟ. ๐๐๐ฎ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐ข๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ, Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Waxbarashada iyo Ardayda ee Jaamacadda Hargeysa, oo ardayda cusub ku soo dhaweeyey Jaamacadda.
Ugu dambayn, ๐๐ฟ. ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐๐น๐๐ฏ, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulanka hagidda iyo soo dhawaynta ardayda cusub.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Jaamacadda Hargeysa ee lagu xoojinayo ๐ต๐ฎ๐ด๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐๐๐๐ฏ, si ay u helaan faham wanaagsan oo ku saabsan nidaamka Jaamacadda, uguna bilaabaan waxbarashadooda si habsami leh.
๐๐ ๐๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ -๐ ๐๐ด๐ด๐ฎ ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ ๐๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ!
๐ฅ๐ฒ๐ฎ๐ฑ ๐บ๐ผ๐ฟ๐ฒ:
https://uoh-edu.net/university-of-hargeisa-holds-freshmen-orientation-and-welcome-session-for-new-students-of-the-2026-2027-academic-year/
๐ ๐ฆ๐๐ฎ๐ ๐๐ผ๐ป๐ป๐ฒ๐ฐ๐๐ฒ๐ฑ ๐๐ถ๐๐ต ๐๐ต๐ฒ ๐จ๐ป๐ถ๐๐ฒ๐ฟ๐๐ถ๐๐ ๐ผ๐ณ ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐ถ๐๐ฎ
๐ Website: https://uoh-edu.net
๐ผ LinkedIn: https://www.linkedin.com/school/81431043/
๐ฆ Twitter (X): https://x.com/UniofHargeisa
โถ๏ธ YouTube: https://www.youtube.com/
๐ท Instagram: https://www.instagram.com/universityofhargeisa
๐ต TikTok: https://www.tiktok.com/
๐ง Email: [email protected]