Beder International University

Beder International University BIU is located in Hargeisa, the capital of Somaliland. It is a communal and non-profit university,

It is a communal and non-profit university, accredited by the Somaliland Ministry of Education and Science. The main objective of BIU is to address the educational needs of society in the Horn of Africa at large, particularly Somaliland. It currently offers different programs in the fields of Islamic Economics and banking, modern management, Information technology, Accounting and finance, Educatio

n, Project Management, Shariโ€™ah, and Business administration

BIU is committed to providing quality education. It aims to cultivate exceptional students, thus enriching human capital both locally and internationally. As a university of choice BIU is very proud to play a crucial role in the social and educational development of Somaliland.

*Vision*
Beder International University aims to be among the leading universities in East Africa. BIU strives to be recognized for high-quality education and research that produce high quality intellectuals that contribute to nation-building and community development

*Mission*
The mission of Beder International University is to attain quality and distinctiveness in teaching and research. BIU aims to produce graduates with sound knowledge and good character. These goals are achieved by integrating Islamic values, scientific knowledge and technical skills that contribute to the social, cultural and economic progress of society and to the development of human resources in Somaliland.

12/03/2026

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐…๐จ๐ฎ๐ซ-๐ค๐š โ€” ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ง๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ.

Mid ka mid ah ardaydii ka qayb gashay Tartanka Aqooneedka Barnaamijka Kaabista Ramadaanta ee Jaamacadda Beder ayaa cabiray dareenkiisa, muhiimadda tartanka iyo waxa uu ka bartay. Tartankani waxa uu dhiirrigelinayaa aqoonta, wada-shaqaynta iyo is-dhexgalka ardayda Form Four-ka.

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐…๐จ๐ฎ๐ซ-๐ค๐š โ€” ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ง๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซMaanta waxa Jaamacadda Beder ka qabsoomay...
11/03/2026

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐…๐จ๐ฎ๐ซ-๐ค๐š โ€” ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ง๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ

Maanta waxa Jaamacadda Beder ka qabsoomay tartan aqooneed u dhexeeyay ardayda dhigata fasallada kala duwan ee ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ.

Tartankan oo ay ka qayb galeen 35 arday oo kala matalayay 7 fasal, ayaa ardaydu ku muujiyeen dadaal, aqoon iyo iskaashi. Tartanku waxa uu dhiirrigelinayaa u tartamida si caafimaad qabta, wada-shaqaynta, isdhexgalka ardayda iyo kobcinta aqoonta ardayda.

Ugu dambayn, guushu waxa ay raacday ardaydii matalaysay ๐Ÿ๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ ๐Ÿ’๐ƒ, waxaana la abaal-mariyey dhammaan ardaydii fasalkaas ka tirsanays ee guushu raacday

Alla Mahad Leh.

Hambalyo iyo Bogaadin.Guddoomiyaha Jaamacadda Beder International University waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ard...
10/03/2026

Hambalyo iyo Bogaadin.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder International University waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda Jaamacadda Beder oo guul weyn ka soo hooyay Tartan Aqoonneedka DALJIR ee Fahamka Dastuurka iyo Barashada Waddaniyadda.

Guddoomiyuhu waxa uu ku ammaanay ardayda dadaalka, kartida iyo aqoonta ay muujiyeen, kuwaas oo horseeday in Jaamacadda Beder ay ka mid noqoto jaamacadaha guusha ka gaadhay tartankan.

Allah Mahad Leh

๐Ÿ“Š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š โ€“ ๐๐ž๐๐ž๐ซ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒKuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Beder Interna...
10/03/2026

๐Ÿ“Š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š โ€“ ๐๐ž๐๐ž๐ซ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ

Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Beder International University ayaa soo gabo-gabaysay tababar ku saabsan Excel Accounting, kaas oo lagu baranayay xirfadaha muhiimka ah ee Excel-ka iyo sida loogu adeegsado xisaabaadka iyo ganacsiga.

Tababarkan ayaa ardayda iyo ka qaybgalayaashu ku barteen aqoonta aasaasiga ah ee Excel, xisaabinta ganacsiga, isticmaalka formulas-ka horumarsan, iyo sida loogu diyaariyo warbixinaha Xisaabeed (Financial statements) si xirfad leh.




Qaybta 1aad: Tartanka Aqooneedka Jaamacadda BederJaamacadda Beder ayaa u qabatay tartan aqooneed ardayda dugsiyada sare ...
09/03/2026

Qaybta 1aad: Tartanka Aqooneedka Jaamacadda Beder

Jaamacadda Beder ayaa u qabatay tartan aqooneed ardayda dugsiyada sare ee Form Four-ka, kuwaas oo sanadkan ka qayb galay barnaamijka Kaabista Ramadaanta.

Ardaydii kaalmaha h**e ka gashay tartanka ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinno iyo shahaado sharaf.โ€

Hambalyo! Ardayda Jaamacadda Beder ayaa guul weyn ka soo hooyay Tartanka Wadaniyadda iyo Dastuurka ee Jaamacadaha Dalka,...
09/03/2026

Hambalyo!

Ardayda Jaamacadda Beder ayaa guul weyn ka soo hooyay Tartanka Wadaniyadda iyo Dastuurka ee Jaamacadaha Dalka, taas oo muujinaysa dadaalkooda, aqoontooda iyo wacyigooda qaran.

Maamulka Jaamacadda Beder ayaa Afur sharafeed u sameeyay ardaydii ka qayb gashay Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda. Ku...
07/03/2026

Maamulka Jaamacadda Beder ayaa Afur sharafeed u sameeyay ardaydii ka qayb gashay Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda. Kulankan oo ahaa mid dhiirrigelin ah, ayaa maamulka jaamacaddu ardayda ugu hambalyeeyay guulihii isdaba-joogga ahaa ee ay ka soo hooyeen saddexdii wareeg ee h**e, isla markaana ugu duceeyay in ay guul ka gaadhaan wareegga k**a dambaysta ah.

Alle Mahad leh.

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ โ€” ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐ก๐š๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š.Ardayda Jaamacadda Beder International Universi...
07/03/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ โ€” ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ž๐๐ž๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐ก๐š๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š.

Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa mar kale, wareegii 3aad guul sharaf leh ka soo hooysay Tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka adkaaday dhiggooda Jaamacadda Hargaysa, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.

Ardayda Jaamacadda Beder waxa ay u gudbeen wareega k**a danbaysta ah ( Final).




๐ŸŽ‰ Hambalyo Mar Labaad Ardayda Jaamacadda Beder! ๐ŸŽ‰Wareega 2aad ee Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda.Ardayda Jaamacadda ...
04/03/2026

๐ŸŽ‰ Hambalyo Mar Labaad Ardayda Jaamacadda Beder! ๐ŸŽ‰

Wareega 2aad ee Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa mar kale guul sharaf leh ka soo hooysay Tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka adkaaday dhiggooda Jaamacadda Shaafi, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee ardayda, hagidda iyo garab istaagga maamulka, iyo himilada jaamacadda ee ku dhisan tayada waxbarasho iyo kobcinta aqoonta.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartankan, kuwaas oo si sharaf leh oo masuuliyad leh u matalay jaamacaddooda.

๐ŸŽ“ Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa! ๐Ÿ‘๐Ÿ“š




๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž (๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐…๐จ๐ฎ๐ซ)Waxa Xarunta Jaamacadda Beder International Uni...
04/03/2026

๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Š๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž (๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐…๐จ๐ฎ๐ซ)

Waxa Xarunta Jaamacadda Beder International University si habsami leh uga socda toddobaadkii labaad Barnaamijka Kaabista Ramadaanta, kaas oo jaamacaddu sanad kasta ugu talagasho ardayda Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ee sanadkan dhamaynaya.

Barnaamijkani waxa uu ardayda siinayaa fursad ay ku xoojiyaan aqoontooda, ku bartaan mawduucyo muhiim u ah Imtixaannada Qaranka, isla markaana ku helaan hagitaan ku saabsan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen imtixaannadaas.

Jaamacadda Beder International University waxay guul, aqoon iyo natiijooyin wanaagsan u rajaynaysaa dhammaan ardayda sanadkan dhamaynaysa dugsiyada sare. Sidoo kale, jaamacaddu waxay ardayda u diyaarisay fursado waxbarasho oo qiimo leh iyo jawi aqooneed oo dhiirrigeliya horumarka waxbarasho.






๐ŸŽ‰ Hambalyo Ardayda Jaamacadda Beder! ๐ŸŽ‰Wareega 1aad ee Tartanka Dastuurka iyo Wadaniyadda.Ardayda Jaamacadda Beder Intern...
03/03/2026

๐ŸŽ‰ Hambalyo Ardayda Jaamacadda Beder! ๐ŸŽ‰

Wareega 1aad ee Tartanka Dastuurka iyo Wadaniyadda.

Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa guul sharaf leh ka soo hooyay tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka guulaystay dhiggooda Jaamacadda Edna Adan University, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee ardayda, hagidda iyo garab istaagga macallimiinta, iyo himilada jaamacadda ee ku dhisan tayada iyo kobcinta aqoonta.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka, kuwaas oo si sharaf leh oo masuuliyad leh u matalay jaamacaddooda.

Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa! ๐Ÿ‘๐Ÿ“š




Iskaashiga Jaamacadda Beder & Cisbitaalka Al IhsaanMaamulka Cisbitaalka Al Ihsaan ayaa imtixaan ka qaaday dadkii soo cod...
27/02/2026

Iskaashiga Jaamacadda Beder & Cisbitaalka Al Ihsaan

Maamulka Cisbitaalka Al Ihsaan ayaa imtixaan ka qaaday dadkii soo codsaday shaqooyinka kala duwan ee Cisbitaalka weyn ee Al Ihsaan, kaas oo dhawaan laga furi doono magaalada Hargeysa.

Qaybta koowaad ee umulisooyinka ayaa Xarunta Jaamacadda Beder ee magaalada Hargeysa ugu fadhiistay Imtixaanka kala saarista, iyadoo si daah-furan oo caddaalad ah loo kala saarayo codsadayaasha, isla markaana qof walba waxaa lagu qiimeynayaa aqoontiisa iyo xirfaddiisa si loo hubiyo in la helo shaqaale caafimaad oo tayo leh.

Jaamacadda Beder iyo Cisbitaalka Al Ihsaan waxa ay leeyihiin xidhiidh wada-shaqayn oo rasmi ah, kaas oo xoojinaya isku xidhka tacliinta iyo adeegga caafimaadka, isla markaana kor u qaadaya tayada adeegyada Caafimad.

Address

Guryo Samo Street1, Maxamuud Haybe District
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Beder International University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Beder International University:

Share