26/01/2025
Ku: Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL
Ku: Telefishanka Qaranka Somaliland JSL
Ku: Idaacadda Radio Hargeysa JSL
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo: Munaasibadda Fasaxa Al-isra’Wal-Micraaj
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, iyada oo tixraacaysa Qodobka 64aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda, (Xeer Lr. 97/2022), faqraddiisa 2aad, xarafiiska J. Waxa ay ogesysiinaysaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawliga ah, in shaqaaluhu ay fasax ka yihiin shaqada maalinta Isniita 27, January 2025-ka, oo ah munaasibadda habeenkii la’dheelmiyey Nebigeenii Muxamed (N.N.K.H) ee (Al-isra’Wal-Micraaj) kuna beegan, 27 Rajab 1446 ee Hijriga.
Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu isaga oo ku hadlaaya Magaca Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo guud ahaan Shaqaalaha Dawladdaba waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha dawladda eheladooda, xaasaskooda iyo carruurtoodaba munaasibadda Al-isra’Wal-Micraaj awgeed. Waxa aannu u rejaynayaa sannadkan sannadkiisa in ay ku gaadhaan badhaadhe, barwaaqo iyo nabad-gelyo waarta.
F.G. Shaqada waxa dib loogu soo noqon doonaa maalinta Salaasadda ee ay bishu tahay 28/01/2025-ka.