22/06/2026
๐ช๐ฎ๐ณ๐๐ถ ๐ฆ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐๐ ๐๐ผ๐ด๐ด๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐ฟ ๐๐-๐
๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐บ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐ญ ๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐พ๐ฎ๐๐ต๐ผ ๐ธ๐ ๐ฌ๐ถ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ต๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ
Maanta waxaa Machadka Farsamada Gacanta ee Hargeysa booqasho rasmi ah ku yimid wafti sare oo uu hoggaaminayey Safiir Ku-xigeenka Jarmalka, iyo Hayadda GIZ, kuwaas oo u yimid inay u kuurgalaan hawlaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed ee ka socda machadka.
Waftiga waxaa si diirran u soo dhaweeyey Maamulaha Machadka, Mr. Xasan Xuseen Nuux, iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mr. Maxamed Cumar (Gaas).
Intii ay booqashadu socotay, waftigu waxay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan iyo hoolalka ay ardaydu ku qaataan waxbarashada iyo tababarrada farsamada gacanta. Sidoo kale, waxay xog-waraysi la yeesheen masuuliyiinta machadka, iyagoo warbixin ka dhagaystay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha ka jira waxbarashada farsamada gacanta.
Waftigu waxay ammaan u jeediyeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda machadka dadaalka ay ugu jiraan horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo tayeynta waxbarashada farsamada gacanta.
Ugu dambayn, booqashadu waxay ku soo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo la adkeeyey muhiimadda iskaashiga iyo taageerada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta, si loo kobciyo xirfadaha dhalinyarada loona abuuro fursado shaqo oo waara.