Somali member

Somali member Film's

19/10/2025

Itoobiya waxay ku dhawaaqday in sedexda sano ee soo socota gudaha dalka lagu soo saarayo telefoono casri ah oo qiimo jaban si meesha looga saaro ku tirsanaanta telefoonada dibada laga keeno.

Shirkadda isgaarsiinta Itoobiya ee Ethio Telecom ayaa wadahadallo la billowday shirkadda TINNO, oo ah shirkad laga leeyahay Shiinaha oo ku takhasustay soo saarista taleefannada gacanta si gudaha Itoobiya looga bilaabo saameynta telefoonadaasi.

Itoobiya waxay sheegtay in dadka isticmaala internet-ka ay aad u yar yihiin gudaha dalka sababtuna ay tahay telefoonada dibada laga keeno oo qaali ah iyo dadka Itoobiyaanka ah oo aan awoodin iney iibsadaan. sababahaas darteed ayay dowlada Itoobiya ku sheegay iney gudaha dalka ugu soo saarayo telefoono casri ah oo qiimo jaban oo qof kasta si fudud u awoodi karo inuu gato, si loo kordhiyo helitaanka internet-ka iyo horumarka dijitalka.

Malaga yaabaa in maalin uun aad isticmaashid Telefoon ay Itoobiya sameysay..?

17/01/2025

Buuni: raysal xamsow iyado dadkagu dhimanayan ayaad
Timaha beeratay timahagadba xasusatay

"Malin dhaweyd wuxuu dalku galay Qatar weyn oo ah inta Nin Somali ah uu iska dhoofay uuna Dal kale u saxiixay Dhulkeena ...
17/01/2025

"Malin dhaweyd wuxuu dalku galay Qatar weyn oo ah inta Nin Somali ah uu iska dhoofay uuna Dal kale u saxiixay Dhulkeena kuna yidhi qaado intas “

Raysalwasare Xamse abdi barre

Raysal Wasaare h**e, Cumar Cabdirashiid: "Khatar weyn ayaan u arkaa Itoobiyaankan lagu ordayo, in deked ay maamushaan la...
17/01/2025

Raysal Wasaare h**e, Cumar Cabdirashiid: "Khatar weyn ayaan u arkaa Itoobiyaankan lagu ordayo, in deked ay maamushaan la siiyo maaha, lamana xak**ayn karo wax diidayana ma jiraan in ay ciidan ka samaystaan; dekedaha jira ha adeegsadaan, dalkan yaan halis la gelin wax kale ma haysanee."

Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Badhan Maxamuud Xaamud oo sadexdii sano ee danbeesay ku sugnaa magaaladda Hargeisa ayaa dii...
17/01/2025

Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Badhan Maxamuud Xaamud oo sadexdii sano ee danbeesay ku sugnaa magaaladda Hargeisa ayaa diiday amar ka soo baxay Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Amniga JSL amarkaas oo ahaa inuu Gudoomiyihii h**e gudoomiyaha cusub ee gobolka Badhan Cabdisalaan Maxamed Xasan ku wareejiyo xilka, gadiidka iyo dhamaan wixii kale Hanti dowaladeed ee uu gacanta ku hayay.

Maxamuud Xaamud ayaa amarkaas diiday Hargeisana isaga baxay waxayna wararku sheegayaan inuu la goostay labadii gaadhi ee gobolka Badhan lahaa.

16/01/2025

Dhacdo xanuun badan oo ka Erir iyo biki inta uu dhaxaysta
Tareenki ayaa laba ukala jaray hooyo ilmaheedi

Muuse biixi wuxu dhalinyarada uu abuuray shaqo abuurWaxa ka mid ahay ardayda shaqo qaran  madaxwayne cirona waxa laga su...
16/01/2025

Muuse biixi wuxu dhalinyarada uu abuuray shaqo abuur
Waxa ka mid ahay ardayda shaqo qaran madaxwayne cirona waxa laga sugayay isna in uu shaqo abuur usameyo dhalinyarada inkasto ololihisi uu yidhi waxan shaqo abuur usamaynaya half milyan dhalinyaro ah

Qiimaynta lagu sameyay awooda cidmada aduunka Somali waxay ka gashay booska 142 waxa ka hooseya uun sadex wadan jamhuriy...
16/01/2025

Qiimaynta lagu sameyay awooda cidmada aduunka
Somali waxay ka gashay booska 142 waxa ka hooseya uun sadex wadan jamhuriyada afrikada dhexe , Benin, iyo bhutan
Cidamada somaliya waa 17500 oo askari
Cidamada baduna 300 askari iyo 11 doomod

Reer Qaza ugu dambeyn wey guuleysteen alxamdullahi rabbil calamiin AKHRI HISHIISKAMaxaa lagu heshiisiiyey Israa'iil iyo ...
16/01/2025

Reer Qaza ugu dambeyn wey guuleysteen alxamdullahi rabbil calamiin AKHRI HISHIISKA

Maxaa lagu heshiisiiyey Israa'iil iyo Xamaas?

Heshiiskii muddada la sugayey ayaa si rasmiya loogu dhawaaqay in ay labada dhinacba qalinka ku duugeen oo ay saxeexeen. Waxana la xalliyey qodob aad laysugu diiddanaa oo ahaa sii joogista Israa'iil ee qaybo ka mida Qasa. Qodobda heshiiska.

Marxaladda koowaad 1aad.

● In Israa'iil si rasmiya u joojiso duullaankeeda Qasa ayna ku laabto halkii ay joogtay ka hor 7 October 2023 oo ahayd xadka ka baxsan Qasa.

● In Xamaas sii deyso 33 ka mida maxaabiist ay ka haysto Israa'iil iyo reer Galbeedka. Halka Israa'iil looga fadhiyo in ay oodda ka soo qaaddo 1000 reer Falastiin oo isugu jira haween, ubad iyo maxaabis kuwaas ay qalaaftay ka dib duullaankii 7 October.

● In Israaiil sidoo kale sii dayso maxaabiis ka badan 600 ah oo ay ku jiraan 250 ku xukunnaa xabsi da'iin.

● In Qasa loo ogolaado geynta gargaarka dadku u baahan yihiin kaas oo 600 oo gaadhi oo sida shidaal, cunto, dawo iyo wixii kale ee lagama maarmana.

● In dadku u soo laabtaan guryihii laga barackiyey ee laga dumiyey waxana hawshaas kor joogta ka ahayna guddi ka socota Qadar iyo Masar.
● In Israa'iil joojiso ciqaabta ay ku hayso Maxaabista reer Falastiin ee xabsiyadeeda ku jira

● Israaiil waxay furi doontaa marinka Rafax oo ah halka gargaarku soo marayo.

● Heshiiskan xabbad joojinta wejigiisa koowaad wuxuu soconayaa muddo 6 toddobaad ah ama 42 dharaarood.

● In dhaawacyada iyo dadka xanuusanaya loo ogolaado in ay ka baxaan Qasa iyaga oo maraya dhinaca Rafax ka dibna ka baxaya Masar.

Marxladda labaad.

Wejiga labaad ee heshiiskan waxa waxa diirrada lagu saarayaa ka bixintaanka dhammaanba ciidanka Israaiil ee Qasa iyo xabbad joojin waarta oo dhaqan gasha.

Marxaladda saddexaad.

●In laysu celiyo wixii maydad la kala haysta gaar ahaanna dadka muhiimka sida Yaxye Sinwaar oo maydkiisa ay Israa'iil gacanta ku hayso.

●In la dhiso Qasadii la dumiyey waxana hawshan u xil saaran Masar, Qadar iyo Maraykanka iyaga ayaana heshiiskan kor joogto ka ahaanaya.

Dhaqan gelinta heshiisku waxay bilaabmaysaa Axadda soo socota oo bishu tahay 19. Waxana ku dhawaaqay raysal wasaaraha Qadar oo marti loo ahaa.

Caawa damaashaad iyo farxad ayaa ka socota Qasa. Sidoo kale madax kala duwan ayaa heshiiskan soo dhoweeyey. Donald Trump wuxuu sheegay in uu isagu heshiiskan aabbe u ahaa taasina muujinayso sida uu uga dhabeeeyey ololihiisi doorashada iyo weliba sida uu u yahay wiil nabadeed

Haddii aad sadarada heshiiska eegto waxa kuu soo baxaysa in Israa'iil si k**a dambaysa isu dhiibtay oo aanay awoodi dhinaceeda jirin.
W/q:jaamac shube

Address

Hargeysa

Telephone

+252636568227

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali member posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Somali member:

Share