26/09/2026
📸 : QAYBTA 2-AAD
IMTIXAANKA WAJIGA 2-AAD – SHORT COURSES | BMI
Baidoa Medical Institute (BMI) ayaa si guul leh u qabatay Imtixaanka Wajiga 2-aad ee barnaamijyada Short Courses, kaas oo ay ka qeyb galeen arday ku jira koorsooyin kala duwan oo la xiriira culuumta caafimaadka.
Imtixaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada BMI ee lagu qiimeynayo aqoonta, fahamka iyo diyaar-garowga ardayda, iyadoo la hubinayo in ardaydu ay helaan waxbarasho tayo leh oo waafaqsan baahida caafimaadka.
👏 Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan ardayda ka qeyb gashay imtixaanka, waxaana u rajeyneynaa guul iyo natiijo wanaagsan.
Baidoa Medical Institute (BMI)
Knowledge • Skills • Professionalism