Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha Jubbaland-UMAJJ

Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha Jubbaland-UMAJJ jubbaland universities students union is an umbrella that connects and coordinates student's to achie

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland wuxuu halkan ugu Hambalyeynayaa Mudane CABDISHUKRI MAXAMUUD GOLOS oo loo do...
14/10/2022

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland wuxuu halkan ugu Hambalyeynayaa Mudane CABDISHUKRI MAXAMUUD GOLOS oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadda Daha faraceeda Kismaayo,
Gudoomiye waxaan Alle kaaga baryeynaa inuu kugu Asuro xilka laguu doortay idim Alle.

Waxaan Ardeyda Jaamacadda Daha kula dardaarmeynaa in ay si kalsoon iyo daacadnimo leh ula shaqeeyaan Gudoomiyahooda cusub.

UMAJJ wuxuu sidoo kale u mahadcelinayaa Gudoomiyihii h**e Mahad Cabdisalaan oo si aan hagrasho laheyn ugu soo shaqeeyay ardeyda Jaamacadda Daha mudadii uu xilka haayey.

Mahadsanid Ex-gudoomiye
Hambalyo Mudane Gudoomiye.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.URURKA MIDOWGA ARDEYDA JAAMACADAHA JUBBALAND WUXUU SI LAAB FURAN HAMBALYO UGU DIRAYAA DHAMAAN...
16/08/2022

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.

URURKA MIDOWGA ARDEYDA JAAMACADAHA JUBBALAND WUXUU SI LAAB FURAN HAMBALYO UGU DIRAYAA DHAMAAN ARDEYDA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN ARDEYDA DG JUBBALAND EE MAANTA LOO SOO DAAYAY NATIIJOONKOODA IMTIXAANKA FASALKA 12-AAD EE SANAD DUGSIYEEDKA 2021/2022, WAXAANA U RAJEYNEYNAA MUSTAQBAL WANAAGSAN INSHA'ALLAH.

WAXAAN LEENAHAY SII LABA JIBAARA DADAALKA HANA JOOJINIINE ILAA AAD HEERSARE KA GAARTAAN WAXBARASHADA.

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland (UMAJJ) wuxuu Natiijo wanaagsan iyo Guul u rajeynayaa dhamaan Ardeyda Sooma...
15/08/2022

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland (UMAJJ) wuxuu Natiijo wanaagsan iyo Guul u rajeynayaa dhamaan Ardeyda Soomaaliyeed ee Fasalka 12-aad kuwaas sugeysa Shaacinta Naatiijadooda maalinta beri ah insha'allah.

Midowga wuxuu si gaar ah ugu Duceynayaa sidoo kalena Natiijo wanaagsan ugu rajeynayaa Ardeyda Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guuleysta oo Dadaalka Waxbarasho iyo Halganka Noolasha sii laba jibaara.

FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM. Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxd...
14/08/2022

FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM.

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxday Dugsiyada sare ee rajeyneyso in ay kusoo biiraan jaamacadaha sanadkan fursad aad muhiim ugu ah taas oo ah in maalinta Arbacada ee nagu soo nagu soo fool leh la qaban doono Barnaamij Latalin, Hagid iyo dhiiragelin ah kaas oo wax badan ka caawin doono ku biiristooda jaamacadaha iyo kala xulashada Kulliyadaha.

Barnaamijka wuxuu ka dhacayaa Xarunta Jaamacadda Jubba, Taariikh: 17/08/2022, Saacadu: 3:00Pm.

Barnaamijka waxaa soo jeedin doono
USTAD ABDI NASIR KALIF AAR

Kasoo qeybgal wacan.

FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM. Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxd...
02/07/2022

FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM.

Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxday Dugsiyada sare ee rajeyneyso in ay kusoo biiraan jaamacadaha sanadkan fursad aad muhiim ugu ah taas oo ah in maalinta berito ah loo qaban doono Barnaamij Latalin, Hagid iyo dhiiragelin ah kasoo oo wax badan ka caawin doono ku biiristooda jaamacadaha iyo kala xulashada Kulliyadaha.

Barnaamijka wuxuu ka dhacayaa Xarunta Jaamacadda Kismaayo, Taariikh: 03/07/2022, Saacadu: 3:45 Pm.

Barnaamijka waxaa soo jeedin doono
𝐔𝐒𝐓𝐀𝐀𝐃 πŒπ€π—π€πŒπ„πƒ ππˆπ‹π‹π„.

Kasoo qeybgal wacan.

KISMAAYO.                                Taariikh: 09/06/2022’''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''...
09/06/2022

KISMAAYO. Taariikh: 09/06/2022
’'''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''
UJEEDDO: MAGACAABIS XILAL.

GUDOOMIYAHA CUSUB EE URURKA MIDOWGA ARDEYDA JAAMACADDAHA JUBBALAND MUDANE MOHAMUD ALI SAMOW.

Ayaa wuxuu soo magacaabay 9 xubnood oo ka kala socdo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo oo kala ah: Jubba, Kismaayo, Daaha iyo Plasma.
Sagaalkan xubnood ayaa noqon doono Guddiga udub dhexaadka u ah howlaha shaqo ee laga doonaayo inuu qabto Ururka Midowga Ardeyda Jaamacaddaha Jubbaland.

Waxaa laga rajeynayaa in Xubnahaan la soo magacaabay ay waajibkooda shaqo u gudan doonan si hufnan iyo howlkarnimo leh.

WADA SHAQEYN WACAN.

ALLA MAHAD LEH.

Allxamdulillah....Waxaa si farxadle noogu so dhamadhamatay xafladii calemma saarka gudoomiya  midowga ardeyda jamacadaha...
25/05/2022

Allxamdulillah....
Waxaa si farxadle noogu so dhamadhamatay xafladii calemma saarka gudoomiya midowga ardeyda jamacadaha jubbaland.

Waxaa sharaf iyo karaamo inoo ah inaad nagala soo qeybgasho Xafladda Caleemma Saarka Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Jaamaca...
24/05/2022

Waxaa sharaf iyo karaamo inoo ah inaad nagala soo qeybgasho Xafladda Caleemma Saarka Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Jaamacaddaha Jubbaland (Ummaj) oo ka dhici doonto Hotel Madiina.
Taariikh: 25/05/2022,
2:30pm insha'allah

29/03/2022

Waqtiga Rasmiga ah ey dhaceyso Doorashada waa Barito Haduu ebe idmo
Waxan idiin lenahay ka soo qeyb gal wacan .
Gudiga dorashada midowga Adayda Jamacadaha Jubbaland.
🏠Goobta waa Maamuus hotel
⌚ 1:30 pm [ Halka iyo Barka Duhurnimo ]
πŸ—“ 30/03/2022

Gudiga Doorashada Midowga Ardayda Jamacadaha Jubbaland Ayaa Gu doonsiyay musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyonomo e...
28/03/2022

Gudiga Doorashada Midowga Ardayda Jamacadaha Jubbaland Ayaa Gu doonsiyay musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyonomo ee Midowga Ardayda Jamacadaha Jubbaland. Shahadada Musharaxnimo.
Waxa inoo sharaf iney si wanagsan inoga dhamaday
Wabilahi Towfiiq

Address

Kismayo
252

Telephone

+252610666991

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha Jubbaland-UMAJJ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha Jubbaland-UMAJJ:

Share